Tobbaneeyo Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Mareykanka {AKHRISO SABABTA}

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tobbaneeyo Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Mareykanka {AKHRISO SABABTA}

    Tobbaneeyo Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Mareykanka {AKHRISO SABABTA}

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobbaneeyo Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Mareykanka {AKHRISO SABABTA}
Ciidamada ammaanka dalka Mareykanka, ayaa xabsiga dhigay 10 ruux oo Somali ah, kuwaasi oo laga soo dhex qabtay Magaalada Atlanta ee dalkaasi Mareykanka.


 
Dadkaan ciidamada ammaanka ay qabteen, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay sharci daro ku joogeen dalka Mareykanka, xilli Dowladda Mareykanka ay sheegtay inay dalkeeda ka masaafurinayso Afar kun oo Somali ah oo dalkaasi si sharcidaro ah ku jooga.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliyed ee Magaalada Atlanta Cumar Abuukar Shiikhey ayaa VOA u xaqiijiyay in illaa hadda ay xiran yihiin dad tiradooda ay gaareyso 10 ruux oo Somali ah.

"Illaa hadda 10 waaye kuwa badana waa ay raadinayaan, marka dhibka yimid waxaa ugu weyn sharcigaan ay hadda soo saareen waxa ay isticmaalayaan oo ku qasbay, dambiga la galay ma dambi weyn baa mise dambi yar, waan fahmi la’nahay waxyaabaha ku dhaliyay arintaan, awal waxaa naloo sheegi jiray qofka qof dila, qofka kufsi gaysta iyo waxyaabo la mid ah.” Ayuu yiri Cumar Abuukar Shiiqey.

Dadkaan ciidamada ammaanka dalka Mareykanka ay qabteen, ayaa qorshaha waxa uu yahay in lagu daro liiska dad kale oo horay u xirnaa, kuwaasi oo xabsiga ku jira, islamarkaana la qorsheynaayo in Somaliya loo soo masaafuriyo.


 
Sidoo kale waxaa jirta dad kale oo sharciga ka maqnaa, islamarkaana dambiyo ku galay dalkaasi oo iyaguna lasoo xirey.

Ciidamada Mareykanka ayaa xoojiyay bilahan dambe howlgallada lagu baacsanayo dadka Somaliyed ee sharci la’aanta ku jooga dalkaasi.