Maxaad Ka Ogtahay Ujeedada Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Ee Muqdisho?

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Ogtahay Ujeedada Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Ee Muqdisho?

    Maxaad Ka Ogtahay Ujeedada Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Ee Muqdisho?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad Ka Ogtahay Ujeedada Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Ee Muqdisho?
Magaalada Muqdisho, maanta oo Sabti ah ayaa waxaa lagu wadaa in uu si rasmi ah kaga furmo shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federalka Somaliya iyo madax Maamul Goboledyada dalka.


 
Inta badan madaxda maamul Goboledyada ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, iyagoo ku soo xaadiray waqti hore si ay uga qayb galaan shirkaan maanta furmaya.


 
Ujeedada shirkaan ayaa la sheegay inay tahay sidii madaxda dowladda iyo madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira ay uga shiri lahaayeen sidii Ajande la isku og yahay ay ula tagi lahaayeen Shirka Bisha soo socota ka furmaya dalka Britain.

Sidoo kale waxyaabaha diiradda lagu saarayo shirkaan waxaa ka mid ah amniga, xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada sidii sare loogu qaadi lahaa.

Waa markii ugu horreysay oo shir ay isugu imaanayaan dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo iyo maamul Goboleedyada dalka.

Shirkaan ayaa la filayaa in gaba gabadiisa laga soo saaro waxyaabaha masuuliyiintaan ay ka wada hadleen iyo wixii ay isla garteen intaba.