Mohamud Ahmedinajad oo shacabkii Iran ka yaabiyey.

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mohamud Ahmedinajad oo shacabkii Iran ka yaabiyey.

    Mohamud Ahmedinajad oo shacabkii Iran ka yaabiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mohamud Ahmedinajad oo shacabkii Iran ka yaabiyey.
Madaxweynihii hore ee dalka Iran Mohamud Ahmedinajad ayaa si rasmi ah isugu diiwaangeliyey doorashada madaxweynaha ee dhowaan dalkaas ka dhaceysa.
Ahmedinajad ayaa labo goor oo isku xigta xilka Madaxweynaha soo qabtay, wuxuuna markii ugu horeysay qabtay sanadkii 2005, 4 sano ka dibna wuxuu mar kale ku guuleystay doorashada isagoo xafiiska Madaxweynaha sii joogay illaa sanadkii 2013-dii.
Dowlada, siyaasiyiinta iyo shacabka dalka Iran ayey la yaab iyo lama filaan ku noqotay musharaxnimada uu ku dhawaaqay Ahmedinajad.
Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran Khomeyni ayaa horey ugu baaqay Ahmedinajad inuusan markale xilka Madaxweynaha u tartamin, taasoo hadda u muuqata inuu dhegaha ka fureystay.
"Shacabka dalka Iran ayaa culeys weyn igu haya iyagoo doonaya inaan xilka markale u tartamo…”ayuu yiri Ahmedinajad oo taageerayaal badan ku leh shacabka dalkaas.
Hase ahaatee dowladaha reer Galbeedka iyo Yuhuuda ayaa Ahmedinajad u arka nin xagjir ah oo marar badan ku hanjabay inuu burburin doono xukuumada Israel, isla markaana had iyo jeer ka hor yimaada siyaasadahooda.