Buuro qashin kusoo dumay dalka Srilanka oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buuro qashin kusoo dumay dalka Srilanka oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

    Buuro qashin kusoo dumay dalka Srilanka oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buuro qashin kusoo dumay dalka Srilanka oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay toban kalena waa ay dhaawacmeen kaddib markii uu qashin qub noqday sida buuraha uu dusha ka maray afartan guri oo ku yaalo duleedka caasimada dalka Sri Lankan ee Colombo.
Kooxaha badbaadada iyo ciidamada dalka Sri Lankan ayaa qufaya qashin qubka iyagoo weli baadigoobaya dadka ku hoos jira qashin qubkani soo dumay oo dheerarkiisu lagu qiyaasay 90 mitir.
Qashin qubkani ayaa muddooyinkii u dambeeyay kasoo rogmaday halkii ay yaaleen kaddib roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’ay, waxaana shilkani uu dhacay xili shacabka dalkaasi Sri Lankan ay u dabaal dagayeen maalinta dhaqanka Sinhala iyo sannadka cusub ee dalkaasi.
Barlamaanka dalka Sri Lankan ayaa dhawaan la horgeeyay warbixin muujineysa in qashin dhan sedex iyo labaatan milyan oo tan oo yaala deegaanka Kolonnawa ay khatar caafimaad oo aad u daran ku hayaan shacabka degan halkaasi.