Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Dhawaaqay Inaan Khaatumo Oo Keliya Heshiis La Geli Karin Xukuumadda Somaliland & Ujeedka Shir Uu Iclaamiyey.

0 in by Burco Office
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Dhawaaqay Inaan Khaatumo Oo Keliya Heshiis La Geli Karin Xukuumadda Somaliland & Ujeedka Shir Uu Iclaamiyey.

    (AFKA)Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Dhawaaqay Inaan Khaatumo Oo Keliya Heshiis La Geli Karin Xukuumadda Somaliland & Ujeedka Shir Uu Iclaamiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(AFKA)Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Dhawaaqay Inaan Khaatumo Oo Keliya Heshiis La Geli Karin Xukuumadda Somaliland & Ujeedka Shir Uu Iclaamiyey. Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Dhawaaqay Inaan Khaatumo Oo Keliya Heshiis La Geli Karin Xukuumadda Somaliland & Ujeedka Shir Uu Iclaamiyey. Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Dhawaaqay Inaan Khaatumo Oo Keliya Heshiis La Geli Karin Xukuumadda Somaliland & Ujeedka Shir Uu Iclaamiyey.


Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in Kooxdiisa oo keliya aanay gaadhin karin Go’aanka kama dambaysta ah ee Wada-hadallada u dhexeeya Xukuumadda Somaliland.


Cali Khaliif Galaydh, wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin Shirweyne ay kaga qayb-galayaan Hal-doorka Beelaha Khaatumo, kaasi oo lagaga Wada-hadlayo waxa lagula heshiinayo Somaliland, maaddaama buu yidhi aanaan keligayo qaadan karin Go’aan ku saabsan Masiirka Shacabka Khaatumo.

 

Dr. Galaydh oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Buuhoodle, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi "Waxaanu diyaar u nahay Shirweyne lagaga bogto in la qabto, waxaanu diyaar u nahay in Shirweynahaa la qabto marka la qaboobo ee Salka dhulka la dhigo (Abaarta laga baxo). Ama dibadda ha joogeen ama gudaha ha joogeen (Dadka ka qayb-gelayaa) ee wixii taladaa ka qayb-gelaya Diyaar ayaanu u nahay.”

Cali Khaliif Galaydh wuxuu sheegay inuu jiro Tafaraaruq ka dhex jira Dadkooda, "Waanu ognahay Tafaraaruqa ina haya iyo is-garab yaaca ina haya, annagu diyaar baanu u nahay inaanu is-ururino oo aynu danteena ku soo wada dhawaanno, oo waxaynu Somaliland ula tagaynaa noqoto waxaynu wada leenahay oo aynu ka bogannay, markaa Shirkaana waanu qabanaynaa, Waayo? waxa laga wada-hadlayaa waa Arrimo Masiiri ah, waxaanuna qiraal ku nahay wax Cid gooni ahi ku talo-bixi karto maaha, Qof ama Koox iyo Annaga oo Maamul ah. Marka Ummadda oo dhami isku timaaddo wixii ay Go’aansadaan ayaa mar walba Ummadda dhaxal u ah.”

Mr. Galaydh wuxuu sheegay in Kooxdiisa ay Siyaasad u tahay in wada-tashi ay Arrimaha Wada-hadallada kala galaan Ummaddooda, "Muddadii la noo qabtay (Muddo-xileedkooda) way dhawday, laakiin Muddadaa aanu joogno waxa Siyaasad noo ah in wuxu yihiin wax Sharci iyo Dastuur ku habaysan, oo Arrimaha Ummadda dhulkan ku nool aanaan Annagu ku talo-bixin (Go’aan ka gaadhin), inkasta oo Aniga Cali ahaan iyo Khaatumo oo dhan lanagu eedeeyo oo la yidhaahdo Nimankani Cidna u joojin maayaan oo waxooga iyagaa iska wata, warkaana waxba kama jiraan.”


 

 

Wada-hadallada u dhexeeya Xukuumadda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ee uu Hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh, ayaa maraya Wareeggii Afraad, waxaana dhammaan Wada-hadalladaasi ka soo baxay War-murtiyeedyo nuxurkooda ugu weyni ahaa in laga wada-shaqeeyo Nabadgalyada Gobollada bariga, Wallow ujeeddada Wada-hadallada lagu sheegay in Siyaasiyiinta Khaatumo ka tanaasulaan fikirka Khaatumo.