Khasaaraha Ka Dhashay Weeraro Maanta Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho.

0 in by Burco Office
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaaraha Ka Dhashay Weeraro Maanta Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho.

    Muqdisho(AFKA);Khasaaraha Ka Dhashay Weeraro Maanta Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Khasaaraha Ka Dhashay Weeraro Maanta Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho.

Dhowr hoobiye ayaa loo riday dhanka garoonka diyaaradaha ee ku yaaalla magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la dagaallameen kooxda hoobiyayaasha riday. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in rasaas ay is dhaafsadeen ciidamada dowladda Soomaaaliya iyo kooxda.


Wararka waxay intaasi ku darayaan in laba ka mid ah kooxdaaasi la dilay, midna la qabtay.

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow, ayaa sheegay in shacabka ay gacan ka geysteen arrinta ayna la shaqeeyeen ciidamada dowladda. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in wada shaqeyntaasi ay caawisay in laga hortago kooxda hoobiyayaasha rideysay.

Saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabteen gaari walxaha qarxa ay ka buuxeen oo raggaasi ay wateen. Waxay xaqiijiyeen in gaarigaasi markii dambe uu qarxay.