United Airlines oo isbadal ku samaysay qaabka ay tigidhada u goyso

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    United Airlines oo isbadal ku samaysay qaabka ay tigidhada u goyso

    United Airlines oo isbadal ku samaysay qaabka ay tigidhada u goyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

United Airlines oo isbadal ku samaysay qaabka ay tigidhada u goyso
Shirkadda United Airlines ayaa isbadal ku samaysay qaabkii ay shaqaalaha ku siin jirtay kuraasta daqiiqadaha u dambeeya, ka dib markii nin qaylyaya qasab lagaga saaray diyaarad buuxdhaaftay, ka dib markii ay shirkaddu jartay tigidho ka badan intii ay diyaaraddu qaaday.
Shirkadda waxay hadda sheegtay in ay shaqaalaha diyaaradda kuraas u qoondayn doonto ugu yaraan saacad ka hor inta aysan diyaaraddu duulin.
Arrintan ayaa timid kadib markii Dr David Dao ay ka dhaceen labada ilig ee hore sankuna uu ka jabay ka dib markii si qasab ah laga saaray duulimaad Axaddii hore.
Caro ka dhalatay rakaab xoog looga dajiyay diyaarad
United Airline oo raaligelin ka bixsay raakaabkii xogga looga dajiyay diyaaradda
Shirkadda United Airlines waxay sheegtay in ay qorshahan cusub uga golleedahay hagaajinta adeegga macaamiisha.
Dhacdada Dr Dao ayay ka dhalatay caro iyo cambaarayn ballaaran oo loo soo jeediyay shirkaddan diyaaradaha ka dib markii muuqaal la yaableh la iskula wadaagay Onlineka oo ay daawadeen malaayiin ruux.
Gabadhiisa Crystal Dao Pepper ayaa shir jaraa'id oo ay Chicago ku qabatay ku sheegtay in arrintaas ay calool xumo ku noqotay qoyskeeda.