Madaxweynaha CAF oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho
Madaxweynaha CAF oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho
Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee Afrika, Ahmad Ahmad ayaa booqasho ku jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee dowladda Federaalka iyo madaxda Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale soo dhoweeyay dhallinyaro sidatay boorar lagu dhejiyay sawiraantiisa iyo caruur xiran funaanado lagu xardhay sawirka madaxweynaha CAF.
Wuxuu booqday qaar ka mid ah garoomada kubadda cagta ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Ciyaaraha K/Kolayga Gabdhaha oo ka socda Garowe
Ciyaaryahan ka badbaaday shilkii diyaaradda Kolombiya oo la rajaynayo inuu ciyaaraha dib ugu laabto
Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxda dowladda sida madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisul wasaaraha.
Image caption
Caruur xiran funaanado lagu sawiray madaxweynaha CAF
Madaxeynaha CAF wuxuu noqonayaa masuulkii ugu sareeyay ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Afrika ee booqda Soomaaliya, in muddo ah.
Waxaa la filayaa in madaxweynaha CAF iyo masuuliyiinta Soomaaliya ay ka wada hadlaan hormarinta ciyaaraha kubadda cagta ee dalka.
Soomaaliya awaxaa dhowaanahan ka socday tartamo kala duwan oo kubadda cagta ah, balse weli waxaa jiro caqabado ay ka mid yihiin amni xumo iyo garoomada qaar oo burbursan.
Image caption
Ciyaartoy soo dhoweyneysa madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee Afrika
Madaxweynaha CAF oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho
Madaxweynaha CAF oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho