Guddida Doorashada Turkiga Oo Ka Hadlay Xalaalnimada Aftidii Loo Qaaday Dastuurka

0
Monday April 17, 2017 - 21:14:02 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Doorashada Turkiga Oo Ka Hadlay Xalaalnimada Aftidii Loo Qaaday Dastuurka

    Natiijada aftidii doorashada ee madaxweynaha Turkiga awoodaha cusub siinaysa waa sharci, sida uu sheegay gudoomiyaha gudiga doorashada ee dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Natiijada aftidii doorashada ee madaxweynaha Turkiga awoodaha cusub siinaysa waa sharci, sida uu sheegay gudoomiyaha gudiga doorashada ee dalkaas.

Sadi Guven ayaa hadalkan sheegay ka dib markii xisbiga CHP ee mucaaradka ugu wayn uu sheegay in wax isdabo marin ay ka jirtay habka tirinta ayna ka mid tahay in la adeegsaday waraaqo aan la shaambadaynin.

Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa helay 51.37% halka garabka mucaaradkuna ay ka heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay.

Saddexda magaalo ee ugu waawayn dalka Turkiga ee Istanbul, Ankara iyo Izmir ayaa Maya u codeeyay oo diiday in isbadal lagu sameeyo dastuurka.

Xisbiga mucaaradka ee ugu



weyn dalkaasi ayaa sheegay in wax isadabamrin ay hareesay codbixinta.

 

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in la meel mariyay aftida.

Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa dhankooda sheegay in arrintani ay ka dhigantahay in hannaanka barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab madaxweyne.

Maxaa ku qoran dastuurka cusub?

1.Dastuurka cusub waxa uu dhigayaa in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka xigta la qaban doono 3 nofeember 2019.

2.Madaxweynaha waxa uu dalka ka talin karaa laba xilo doorasho oo min shan sano ah.

3.Madaxweynaha ayaa si toos ah u soo magacaabi doono wasiirada iyo saraakiisha sarsare.

4.Wuxuu sidoo kale magacaabi karaa madaxweyne ku xigeena dhowr ah.

5.Waxaa meesha laga saari doonaa xilka ra'iisalwasaaraha oo uu hadda hayo Binali Yildirim.

6.Madaxweynaha wuxuu awood u lahaan doonaa inuu faragelin ku sameeyo waaxda caddaaladda oo uu Erdogan horay ugu eedeeyay inay u janjeeraan dhinaca wadaadka Fetxullahi Gulen.

7.Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqi karo xaalad deg deg ah.

 

 

Source:-BBCsomali