Tahriibayaal Soomaali Ku Jirto Oo La Bad-baadiyey.

0
Tuesday April 18, 2017 - 09:52:08 in by Burco Office
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibayaal Soomaali Ku Jirto Oo La Bad-baadiyey.

    Tahriibayaal Soomaali Ku Jirto Oo La Bad-baadiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tahriibayaal Soomaali Ku Jirto Oo La Bad-baadiyey.

Maraakiibta ciidamada Badda reer-yurub ayaa badbaadiyay in ka badan kun qof oo tahriibayaal ah kuwaas oo kasoo baxay xeebaaha dalka Liibiya.
Tahriibayaasha laga soo badbaadiyay xeebaha badda Liibiya ayaa la gaadhsiiyay jasiirada Sicily ee dalka Talyaaniga.
Dadkan oo la sheegayo inay yihiin dad kasoo haajiray wadamdada saxaraha ka hooseeya ee qaarada Afrika ayaa waxaa badbaadiyay markab laga leeyahay dalka Jarmalka.


Safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa sheegaysa in dadkan ay ku jiraan dad Soomali ah.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Liibiya Muxiyadiin Maxamed Kaalmooy, ayaa sheegay in dadkaasi badankooda ay ka yimaadeen wadamada Africa.
"Soomaali ka timid dalka Yemen ayaa ku jira dadka balse xogta aan heleyno waxaa ay tahay in ay Soomaali ku jiran”, ayuu yiri safiirka.
Shaqa la’aanta xooggan ee jirta ayuu safiirka u sababeeyay tahriibka dhalinyarada.
Bishii hore ee April, doon siday ku dhowaad 400 oo tahriibayaal ah ayaa ku degtay xeebaha dalka Masar.
Waxaa baraha bulshada lagu baahinayaa sawirada dhallinyaro la sheegay inay ka mid yihiin dadka ku dhintay doontaasi qallibantay.
Dadkan tahriibayaasha ah waxay ku wajahnaayeen dalka Taliyaaniga, waxayna ka ambabexeen dalka Masar.