Maxaabiista Falastiiniiyinta Ah ee Ku Xidhan Xabsiyada Yuhuudda Oo Cunto Joojin Sameeyey.

0
Tuesday April 18, 2017 - 10:08:27 in by Burco Office
  • Visits: 588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiista Falastiiniiyinta Ah ee Ku Xidhan Xabsiyada Yuhuudda Oo Cunto Joojin Sameeyey.

    Maxaabiista Falastiiniiyinta Ah ee Ku Xidhan Xabsiyada Yuhuudda Oo Cunto Joojin Sameeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaabiista Falastiiniiyinta Ah ee Ku Xidhan Xabsiyada Yuhuudda Oo Cunto Joojin Sameeyey.

-Boqolaal ruux oo Falastiiniyiin ah kuna xidhan xabsiyada Israa’iil ayaa bilaabay inay cuntada ka soomaan waxayna ka cabanayaan xaalada noloshooda oo xun.
Marwan Barghouti oo ah hogaamiye reer Falastiin ah oo Israa’iil ay ku xukuntay xabsi daa’in ayaa hormuud ka ah cunto ka soomidan.
Barghouti oo xubin muhiim ah ka ah xisbiga Fatax ee uu ka soo jeedoo madaxweyne Maxamuud Cabaas ayaa la saadaalinayay in uu noqon doono ninka badali doona Cabaas.


Waxaa jira cabsi laga qabo in mudaaharaadkan uu sare u qaado xiisadda ka taagan dhulka lahaysto ee Daanta Galbeed.
Waaxda xabsiyada ee Israa’iil waxay sheegtay in 1,187 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ku xiran Israa’iil in ay ku biirayaan mudaaharaadka cuntada lagaga soomayo, arrintaas oo ku soo beegmaysa maalinta maxaabiista Falastiiniyiinta ee sanadlaha ah.
Maxaabiista reer Falastiin ee ku jira xabsiyada Israa’iil ayaa qayb ka ah xiisadda taagan ee u dhaxaysa labada dhinac.
Falastiiniyiinta ayaa maxaabiistaas u arka kuwo siyaasad ahaan u xiran, kuwaas oo badankooda lagu helay weeraro ka dhan ah Israa’iil iyo dambiyo kale.
Qaar ka mid ahna xidhitaankooda waxaa loo adeegsaday sharci loogu yeedho xidhitaanka maamulka, kaas oo ogolaanaya in dadka laga shakiyo xabsiyada lagu hayn karo muddo lix billood ah iyaga oo aan maxkamad la soo taagin.
Dhamaadkii sanadkii hore waxaa xabsiyada Israa’iil ku jiray ku dhawaad 7,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen ururada xabsiyada ee Falastiiniyiinta.