SOMALILAND: Gobolada Bariga Oo Xaalad Adag Galay, Dhimashada Dadka Oo Sii Kordhaysa Iyo Cudurka Shuban Biyoodka Xawli Sare Ku Socda

0
Tuesday April 18, 2017 - 10:54:56 in by Burco Office
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOMALILAND: Gobolada Bariga Oo Xaalad Adag Galay, Dhimashada Dadka Oo Sii Kordhaysa Iyo Cudurka Shuban Biyoodka Xawli Sare Ku Socda

    buuhoodle(AFKA);Ku Dhawaad 400 Oo Qof Ayuu Cudurka Shuban-biyoodku Soo Ritay Tirada Dhimashaduna Afartameeyo ayay Caga-cagaynaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

buuhoodle(AFKA);Ku Dhawaad 400 Oo Qof Ayuu Cudurka Shuban-biyoodku Soo Ritay Tirada Dhimashaduna Afartameeyo ayay Caga-cagaynaysa


Buuhoodle (Somalilandtoday)-In kabadan 350 ruux ayaa lagu daaweynayaa isbitaalka Daryeel oo ku yaala magaalada Buuhoodle duleedkeeda xili xawaare xoogan uu ku soconayo faafida xanuunka shuban biyoodka oo haatan khatar xoogleh ku haya degaankaas.

Isbitaalka Daryeel oo haatan ku dhow in dadka laga keenayo degaanada u dhowdhow Buuhoodle ay buuxdhaafiyaan, lana waayo adeeg badbaadineed ee ku filan iyo hawlwadeenada caafimaad ee gargaarka u fidinaya.

 


"24 saac ee la soo dhaafay 5 ruux ayaa ku dhintay magaalada Buuhoole, waxaana haa jira iskaashi hawlwadeenada caafimaad si buuxda ayay u wada shaqaynayaan hay’aday doonaan ha ka tirsanaadeen” sidaa waxa yidhi Khadar Cawl oo ah suxufi ku sugan Buuhoodle.

Waxaa soo gaadhey magaalada dhakhaatiir ka tagtay magaalada Hargeysa iyadoo uu halkaa horey ugu sugnaa Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglatoosiye.

Xaalada Shuban Biyoodka oo sii kordhaysa degaanada Buuhoodle hoosyimaada ayaa maaliba maalinta ka danbaysa sii kordhay iyadoo dadka ku dhintay ay gaadhayaan inta la ogyahay 37 ruux.

Dadaal xoogan oo lagu jiro sidii loo xakamayn lahaa dhibaatada taagan oo ah tii ugu cuslayd ee soo marta abid degaankan, taas oo sababtay in la furo Isbitaalka Daryeel oo xidhnaa mudo 10 sano ku dhow, kaas oo uu dhisay Wasiirka Caafimaadka Somaliland ee haatan ku sugan Buuhoodle.

Degaanka labaad ee dhibaatada weyni ka taagan tahay ayaa ah halka lagu magcaabo Farjano oo Buuhoole ku dhowaad 50Km bari kaga aad oo sida la sheegay 4 ruux ku dhinteen 70 kalena ay baxnaano u jiifaan.

Dhamaan gobolada bariga dalka ayaa ku jira xaalad tan la mid ah gaar ahaan gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag ayaa illaa hadda waxa ku dhintay dhawr iyo tobon qof xaaladda abaarta awgeed.