Trump oo Erdogan ugu hambalyeeyay guusha aftida

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo Erdogan ugu hambalyeeyay guusha aftida

    Trump oo Erdogan ugu hambalyeeyay guusha aftida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump oo Erdogan ugu hambalyeeyay guusha aftida
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu hanbalyeeyay guushii uu ka gaaray aftidii Axaddii, taasi oo siinaysa awoodo cusub.
Madaxwayne Trump oo qadka taleefoonka kula hadlay Erdogan ayaa wuxuu sidoo kale uga mahad celiyay taageeradii ay turkiga taageereen weerarkii gantaalada ee ay Mareykanka ku qaadeen saldhigyo ay dawlada Suuriya leedahay .
Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad Isniintii, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu kala hadlay dhigiisa Turkiga tilaabadii ay Maraykanka uga jawaabeen hubkii kimikada ahaa ee la sheegay in ay isticmaashay xukuuumada Suuriya 4 Abriil.
Bayaanka ayaa lagu yiri " labada hogaamiye waxa ay isku raaceen muhimada ay leedahay in lala xisaabtamo madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ".

Protesters march through the Turkish capital calling for a recount
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale waxay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.
Aftida dalka Turkiga ayaa, 51.4% cod bixiyayaasha waxa ay taageereen isbadalka lagu samaynayo dastuurka dalkaasi .
Erdogan ayaa beeniyay canbarayn uga timid kormeerayaasha caalamiga ah oo sheegay in uu ol'olaha aftida ku galay dhaqaalaha dowlada islamarkana qolyaha ka soo horjeeday isbadalka aysan helin fursad midaasi la mid ah .
Kormeereyaasha aftidana wuxuu ugu jawaabay "Shaqdiina waa in aad garataan,".
Xildhibaanno lagu xiray Turkiga
Booqashada Tillerson ee Turkiga
Turkiga oo eryey shaqaale dawladeed
Turkiga iyo Israa’iil oo heshiiyay
Agaasimaha cusub ee sirdoonka Maraykanka oo Turkiga booqasho ku jooga
Gudiga doorashada ayaa mid sax ah ku tilmaamay guushii dirqiga ahayd ee uu gaaray Erdogan, inkastoo ay jireen eedeeymo wax isdaba marin ah oo ay soo jeedinayeen mucaradka.
Dhanka kale, xukuumadda Turkiga ayaa kordhisay waqtiga xaaladda degdega ah ee dalkaasi saaran. Xaalada degdega ah ayaa la soo saaray ka dib afgambigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay bishii Juulaay ee sanadii hore.