Sidee U Aragtaa Beesha Caalamka Dhismaha Golaha Amniga Qaranka Somalia?

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee U Aragtaa Beesha Caalamka Dhismaha Golaha Amniga Qaranka Somalia?

    Sidee U Aragtaa Beesha Caalamka Dhismaha Golaha Amniga Qaranka Somalia?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidee U Aragtaa Beesha Caalamka Dhismaha Golaha Amniga Qaranka Somalia?
Qaramada Midoobay iyo Beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay dhismaha Golaha amniga Qaranka kaas oo lagu dhisay shirkii dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada ee ka dhacay magaalada Muqdisho.


 

 
Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliya, Michael Keating oo arrintaasi ka hadlaayey waxa uu sheegay in dhismaha Golaha ay xoojineyso dowladnimada iyo amniga dalka.

Keating, waxaa uu intaa ku daray in Beesha caalamka sida UN, AMISOM, IGAD, EU, Italy, Ethiopia, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo Mareykanka ay soo dhaweynayaan tillaabadaasi.

Kulan 3 maalmood ka socday Muqdisho ayey dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka isku afgarteen dhismaha Golaha Amniga Qaranka kaas oo ka kooban labo heer.

Madaxdu waxa ay ansixiyeen qaab-dhismeedka cusub ee Golaha Amniga Qaranka oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Madaxdu waxa ay sidoo kale go’aamiyeen dhismaha goleyaasha amni ee heer Dawlad-goboleed, oo ay guddoomiyeyaal u yihiin madaxwaynayaasha Dowlado-goboleedyada.