Xukuumada Oo Joojisay Siminaar Hargeysa Ka Socdey Iyo Sirdoonka Qaranka Oo Amray In Kooxdii Wadatay Dalka Laga Masaafuriyo + Danbiga Lagu Haysto

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Joojisay Siminaar Hargeysa Ka Socdey Iyo Sirdoonka Qaranka Oo Amray In Kooxdii Wadatay Dalka Laga Masaafuriyo + Danbiga Lagu Haysto

    Xukuumada Oo Joojisay Siminaar Hargeysa Ka Socdey Iyo Sirdoonka Qaranka Oo Amray In Kooxdii Wadatay Dalka Laga Masaafuriyo + Danbiga Lagu Haysto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Joojisay Siminaar Hargeysa Ka Socdey Iyo Sirdoonka Qaranka Oo Amray In Kooxdii Wadatay Dalka Laga Masaafuriyo + Danbiga Lagu Haysto
Hargeysa (afka):- Dawlada Somaliland ayaa amartey in dalka Laga masaafuriyo koox dhawr qof
ka kooban kuwaas oo Hargeysa ku qabtey siminaar .


Kooxdan ayaa waxaa ay ka soo kicintey Yurub kana kooban dhawr qod oo mid ka mid ahi u dhashey Somaliland , Dhawr u dhashey dalka Somaliya iyo gabadh ajaanib ah ayaa Hargeysa yimid todobaadkan , waxaanay 16 April ku qabteen siminaar ku saabsan arimaha caafimaadka , waxaana siminaarkaas furey wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xassan Daahir Dhinbiil.
 
 
Hase yeeshee wasaarada qorsheynta qaranka iyo sirdoonka qaranka ayaa shalay u joojiyey siminaarkaas oo ku qabsoomey mid ka mid ah hotelada Hargeysa , waxaana wasaarda qorsheyntu joojinta siminaarkaas ku xidhiidhisay in aanay kooxdani wax ogolaansho ah u soo qaadan siminaarkan isla markaana wasaarada aaney ka haysanin sharciyada urur .


Sirdoonka qaranka ayaa amar ku bixiyey in kooxdan si deg deg ah dalka looga saaro , iyaga oo raacaya ogolaansho la,aanta wasaarada qorsheynta isla markaana aaminsan in hadalo kooxdan laga hayaa halis ku yihiin amaanka qaranka .

Kooxdan ayaa markii ay yurub ka soo baxeen waxaa ay iska soo duubeen muuqaal ay ku baahiyeen baraha ay bulshadu ku kulanto , waxaana ay sheegen in ay tagayaa dalkii hooyo ee Somaliya , iyaga oo ku soo jeeday caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa .

Hadaladan ay iska soo duubeen ee ay Hargeysa iyo Laascanood ku sheegayaan inay tagayaan qeyb ka mid ah Somaliya oo ah waqooyiga Somaliya ayaa lagu xidhiidhinayaa joojinta siminaarkooda iyo amarka Mustaafurintooda .

Hase yeeshee waa jira dedaalo la doonayo in lagu baajiyo joojinta Siminaarkaas iyo waliba masaafurinta dadkaas , waxaana la sheegayaa inay cabasho u gudbiyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici si uu uga baajiyo culeysyada la dul dhigey