Gobolada Bariga 12 Qofbaa Ku Dhintay, Haddii Uu Qof Ku Dhiman Lahaa Gobolada Galbeedka Maanta Cidiba Ma Fadhideen"

0
Tuesday April 18, 2017 - 15:57:32 in by Burco Office
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolada Bariga 12 Qofbaa Ku Dhintay, Haddii Uu Qof Ku Dhiman Lahaa Gobolada Galbeedka Maanta Cidiba Ma Fadhideen"

    BURCO (AFKA)Gobolada Bariga 12 Qofbaa Ku Dhintay, Haddii Uu Qof Ku Dhiman Lahaa Gobolada Galbeedka Maanta Cidiba Ma Fadhideen" ildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Burco Oo Sheegay In La Hagraday Dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BURCO (AFKA)Gobolada Bariga 12 Qofbaa Ku Dhintay, Haddii Uu Qof Ku Dhiman Lahaa Gobolada Galbeedka Maanta Cidiba Ma Fadhideen" ildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Burco Oo Sheegay In La Hagraday Dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen

Xildhibaan Cabdi Laki oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Burco ayaa xukuumadda Somaliland ku dhaliilay sida ay u dayacday dadka ku dhibaataysan gobolada bariga ee ay abaaruhu saameeyeen.

 


Xildhibaan Cabdi Laki ayaa sheegay in loo kala sad buriyey gobolada bariga iyo galbeedka dalka marka la eego sidii loo caawiyey gobolada galbeedka markii ay abaartu ku habsatay iyo sida iminka loo hagraday gobolada bari.

Xildhibaanka oo ku sugan magaalada Burco ayaa sidoo kale ka digay khatarta shuban biyoodka ka dilaacay bariga dalka, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

"maanta gobolada barigu aad bay u sii liitaan dhawr iyo toban ayay maraysaa dhimashadu, gobolada galbeedka haddii qof ka dhiman lahaa maanta cidiba ma fadhideen laakiin bari maxaa ka haysta xukuumaddii sida galbeedka loogu shaqaynayo barigana ha lagu shaqeeyo mise gobolada barigu miyaanay dadka ka mid ahayn, 12 qof baa ku dhintay wali wasiir qudha oo gurmad u soo baxayna maanan arag, maanta wasiir ma hadheen haddii gobolada galbeedka dhimasho ka dhici lahayd mise waddanku waa kala dawlade waan la aqoon, gobolada bariga hala soo eego, ha loo soo jeesto, xaalad adag waddanka hala galiyo, iminkana abaartiibaa shuban baa u sii dheer waxaanu leenahay dadku ilaahay ha baryaan gobolada barigana ha loo soo gurmado dee”