Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Doonni Kalluumaysi Oo Ku Qarqoontay Badda Berbera Iyo 4-kamid ah Shaqaalihii Saarnaa Oo La La'yahay

0
Wednesday April 19, 2017 - 10:49:21 in by Burco Office
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Doonni Kalluumaysi Oo Ku Qarqoontay Badda Berbera Iyo 4-kamid ah Shaqaalihii Saarnaa Oo La La'yahay

    Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Doonni Kalluumaysi Oo Ku Qarqoontay Badda Berbera Iyo 4-kamid ah Shaqaalihii Saarnaa Oo La La'yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Doonni Kalluumaysi Oo Ku Qarqoontay Badda Berbera Iyo 4-kamid ah Shaqaalihii Saarnaa Oo La La'yahay

Dooni Kalluumaysi oo ka baxday Xeebta Berbera, ayaa la sheegay inay ku degtay deegaan u dhexeeya Ceel-daraad iyo Berbera.


Doonidan oo ay wateen lix nin oo kalluumaysato ah, ayaa ku degtay Biyaha Badda ee u dhexeeya Deegaanka Ceel-daraad iyo Berbera waxaana la helay laba nin oo ka mid ahaa lixdkii Kalluumayste, halka illaa hadda aan Raq iyo Ruux aan la haynin Afartii Qof ee kale iyo Doontii.

Sidaana waxa Warbaahinta u xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) waxaanu yidhi "waxa la noo soo sheegay maanta in dooni ay lahaayeen kaluumaysto oo ka baxday magaalada Berbera ay ku qaraqantay deegaanka ceel-daraad iyo berbera u dhexeeya, waxa watay lix nin, laba waa la helay, afar iyo doontiina wali waa la laayahay, dabaylo shalay dhacay ayaa loo malaynayaa inay qaraqeen, halkaa oo aan is-gaadhsiin lahayn taleefoonana ka shaqayn, baabuurina ayna marin, badhasaabkii iyo isuduwuhii kalluumaysaiga ee gobolka waan la hadlay, bal in meeshaa loo gurmado oo shaqo laga qabto, maydadkii haddii dadkii dhinteen iyo nolol wixii lagu helo la raadiyo” ayuu yidhi Cali Jaamac Faarax (Buureed).

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) waxa uu farriin u diray kalluumaysata ka shaqaysta badda waxaanu yidhi "kalluumaysatu way yaqaaniin xilliyada baddu kacsan tahay iyo xilliyada dabayluhu jiraan , markaa waxa aanu ku wargalinaynaa in aanay xilliyada khatarta ah socon oo ay iska ilaaliyaan inay badda galaan, si ay uga badbaadaan dhibaatooyinka xilliyadaa badda ka jira” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed).

Xigasho: Wargeyska Somalilandto