Barlamaanka UK oo la filayo in ay u codeyaan qorshaha Teresa May
Barlamaanka UK oo la filayo in ay u codeyaan qorshaha Teresa May
Waxaa la filayaa in Ra'ayi aruurinta horu dhaca ah ay horseedo in la helo sedex meelood laba aqlabiyada guud loo baahanyahay in la qabto doorashada.
Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbynn ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqista ra'iisalwasaarha ee doorashada deg dega ah maalintii Talaadada aheyd.
Ms Teresa May ayaa sheegtay in ay dooneyso xaqiijinta in ay taageeraan dadka Britain wadahadlada Britain ay uga baxeyso Mdigowga Yurub.
Doorashada guud ee xigta ayaa la filayay in ay qabsoonto sannadka 2020, balse mudada cayiman ee xeerka baarlamaanka ayaa ogalaanaya in doorasha waqtigeedii laga soo hormariyay la qaban karo, hadii sedex meelood laba meel baarlamaanka ay taageeraan talaabadaasi.
Image caption
Barlamaanka UK
Mooshin arrintan ku saabsan ayaa lagu wadaa in la horgeeyo aqalka baarlamaanka gelinka dambe ee maalinta Arbacada.
Xisbiga SNP ayaa waxaa ay muujiyeen in ay ka aamusi donaan codeynta, hasa yeshee xisbiyada shaqaalah iyo midka qonyar socodka ayaa soo dhaweeyay doorashada waqtigeeda laga soo horumariyay.
Barlamaanka UK oo la filayo in ay u codeyaan qorshaha Teresa May
Barlamaanka UK oo la filayo in ay u codeyaan qorshaha Teresa May