Mareykanka Oo Dalkiisa Ka Masaafurinaya Shan Kun Oo Soomaali Ah.

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Dalkiisa Ka Masaafurinaya Shan Kun Oo Soomaali Ah.

    Mareykanka Oo Dalkiisa Ka Masaafurinaya Shan Kun Oo Soomaali Ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka Oo Dalkiisa Ka Masaafurinaya Shan Kun Oo Soomaali Ah.
Dowladda Mareykanka, ayaa si cad u sheegtay dalkeeda inay ka masaafurinayso Somali gaareysa 5 kun oo ruux, kuwaasi oo sharci la’aan ku jooga dalka Mareykanka.


 

 
Brendan Raedy, afhayeenka ICE, waaxda fulinta arrimaha socdaalka iyo kastamka, ayaa sheegay tan iyo 1-dii Bishii April inay heleen amar ku aadan in dalka ay ka masaafuriyaan Somali tiradooda ay gaareyso 4,801 ruux.

Wuxuu sheegay dadkaasi dhamaantood inay yihiin kuwa si sharcidaro ah ku joogay dalka Mareykanka, lana garawsaday in dalkooda dib loogu celiyo, wuxuuna sheegay in 237 qof oo Somali ah dib loogu celiyay Somaliya.

Safiirka Somaliya ee dalka Mareykanka Axmed Cawad, ayaa horay u sheegay inay hayaan macluumaad ku saabsan in Mareykanka uu qorsheynaayo in dalka Somaliya uu ku celiyo Somali gaareysa 4-kun oo ruux.

Afhayeenka waaxda fulinta arrimaha socdaalka iyo kastamka ayaa sheegay in dadkan intooda badan ay danbiyo galeen, isla markaana ay ICE sii wadayso inay diirada saarto shaqsiyaadka halista ku ah amniga qaranka, badbaadada shacabka iyo waliba amniga xuduudaha dalka Mareykanka.

Somali badan ayaa xaalad walaac ah waxa ay ku haysataa dalka Mareykanka, kuwaasi oo ka cabsi qaba in lagu daro liiska dadka ay qab qabanayaan ciidamada Booliska dalkaasi Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horay u soo saaray amaro kala duwan oo ku saabsan dalal ay Somaliya ka mid tahay muwaadiniintooda.