Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Isku Aadka Semi-finalka Champions League – Waqtiga Isku Aadka, Saacadda, Halka Aad Kala Socon Doonto & Waxyaabo Kale.

0
Thursday April 20, 2017 - 09:22:11 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Isku Aadka Semi-finalka Champions League – Waqtiga Isku Aadka, Saacadda, Halka Aad Kala Socon Doonto & Waxyaabo Kale.

    Isku aadka Champions League-ga wareegiisa semi finalka ayaa la qaban doonaa berri oo Jimce ah kadib markii ay wareega afar dhamaadka isago soo hareen kooxaha Atletico Madrid, Real Madrid, Juventus iyo Monaco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku aadka Champions League-ga wareegiisa semi finalka ayaa la qaban doonaa berri oo Jimce ah kadib markii ay wareega afar dhamaadka isago soo hareen kooxaha Atletico Madrid, Real Madrid, Juventus iyo Monaco.

Real Madrid si adag ayey xalay kaga soo baxday Bayern Munich markii ay 6-3 ku dhufteen isku cel-celiska labada lug iyadoo Ronaldo uu shan gool ka dhaliyay kooxda uu hogaamiyo Carlo Ancelotti.

Kooxda Juventus ayaa iyadana wareegii sidee dhamaadka u soo awood sheegatay kooxda Barcelona iyagoo celceliska labada lug ku soo dhuftay 3-0, halka Monaco ay si awood ah kaga soo baxday Dortmund iyadoo Atletico ay ka soo gudubtay kooxda Ingariiska ee Leicester City.

ISKU AADKA GOORMA AYUU DHACAYAA?

Isku aadka wareega semi finalka Champions League – waxaa la qaban doonaa Jimco, 21-ka April, waxaana lagu qaban doonaa xarunta xiriirka qaaradda yurub ee UEFA, magaaladaNyon dalka Switzerland.

HALKEED KALA SOCON DOONTAA?

Halkaan (Laacib.net) ayaad si tabin qoraaleed ah ugala socon doontaa wax walba oo ka dhaca xafladda isku aadka, hadalada shaqsiyaadka lagu casuumo, madaxda UEFA iyo sidoo kale sida ay kooxaha isugu aadaan.


SHARCIYADA?

Ma jiro wax sharci ah oo gaar u ah isku aadkaan, sababtoo ah lama kala ilaalin doono laba kooxood oo hal group kasoo wada baxay ama kuwo iskuu wadan ah intaba sida Atletico iyo Real.

WAX CUSUB MIYAA JIRA?

Haa, waayo waxaa nasiib loo qaban doona kooxda martida noqon doonta finalka iyo kooxda minan-keeda uu noqon doono. Waxaa loo qeybin doonaa laba qeybood.

Semi Final (1) iyo Semi Final (2) – kooxaha Minanka noqon doona waa la sheegi doonaa iyadoo la dhihi doono (Semi Final 1) ayaa noqon doona ama (Semi Final 2) ayaa noqon doona.

FINALKA IYO WAQTIGIISA:

Finalka tartanka wuxuu dhici doonaa maalinimo sabti ah, wuxuu ka dhici doonaa magaalada Cardiff ee dalka Wales, 3-da June.