Suuqyada Hargeysa Oo Meelo Ka Mid Ah Laga Diiday Isticmaalka Shilinka Somaliland Iyo Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Xadka Ka Baxay.

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuqyada Hargeysa Oo Meelo Ka Mid Ah Laga Diiday Isticmaalka Shilinka Somaliland Iyo Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Xadka Ka Baxay.

    Suuqyada Hargeysa Oo Meelo Ka Mid Ah Laga Diiday Isticmaalka Shilinka Somaliland Iyo Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Xadka Ka Baxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqyada Hargeysa Oo Meelo Ka Mid Ah Laga Diiday Isticmaalka Shilinka Somaliland Iyo Qiimaha Sarrifka Dollarka Oo Xadka Ka Baxay.

Qaar ka mid ah Meherada ganacsi ee kuyaala Suuqyada Waa weyn ee Magaaladda Hargeysa ayaa laga soo sheegayaa inay gabi ahaanba maalmihii u dambeeya iska joojiyeen inay wax ku iibiyaan ama ay isticmaalaan Lacagta Shilinka Somaliland kadib hoos u dhicii ugu weynaa oo ku dhacay,Waxa sidoo kale sii cuslaanaysa Xaalada Nololeed ee ay ku sugan guud ahaan Shacabka Somaliland Miyi Iyo Magaalaba.

Wariye Wargeyska Foore ka tirsan oo daraasad ku sameeyay Xaalada ay ku sugan yihiin Suuqyada Magaalada Hargeysa ayaa indhihiisa ku soo arkay Meherado badan oo Suuqyada Waa weyn ee Magaalada Hargeysa ka tirsan oo gabi ahaanba iska joojiyay Isticmaalka Lacagta Shilinka Somaliland kadib markii ay ku jaho wareereen Waxa ay ugu hagaagaan Qiimaha Sarifka Dollarka oo halkii u saraysa ka gaadhay Somaliland kaasi oo sarjara Mar walba dhaq dhaqaaqa ganacsiga Iyo Wax kala iibsiga Suuqyada Somaliland,Waxaanay meheradahaasi qaarkood go’aan ku gaadheen inaanay habayaraatee waxba ku iibin Shilinka Somaliland kadib markii ay waayeen Nuuriga Doolarka,oo sida la sheegay lagu kala siibsado oo qudha Suuqyo Madaw oo ka furmay Magaalada Hargeysa,kuwaasi oo si qarsoodi ah loogu kala iibsado Doolarka, iyadoo dhinaca kalena Sariflayaashu ay ka iibiyaan Dollarka Qofka ay garanayaan oo qudha iyo Qof cadad badan oo Dollar ah kaga iibsada Qiimaha ay doonaan.

Sidoo kale Qaar ka mid ah Huteeladda Cuntada ee ka furan Magaalada Hargeysa ayaa gabi ahaanba joojiyay inay Wax ku gadaan Lacagta Shilinka Somaliland kadib markii ay waayeen Dollarkii ay Suuqyada kaga soo badeli jireen.

Huteeladan ayaa qaarkood Kiishash ka buuxiyeen Lacagtii Kaashka Shilinka Somaliland ahayd,Waxaanay ku dhex raseeyeen oo ay u dhex kaydiyeen dhismaha Huteeladooda kadib markii ay waayeen Dollarkii ay sida maalinla ah ugu soo badeli jireen.

Waxa sidoo kale Qaab aan la fahmi Karin u shaqeeya Sariflayaasha Suuqyada Hargeysa,kuwaasi oo aan la arkayn dollar ay iibinayaan,balse dadka Shacabka uun ka iibsanaya Dollarka,waxa uu Qiimaha Boqolka Dollar Hargeysa ku dhaw yahay Illaa Hal Milyan Oo Shilinka Somaliland,qiimahaasi oo aan si xor ah loogu heli Karin balse u baahan inaad Si dhuumasho ah u raadcayso oo aad Dariiqyo madaw u marto.

Waxa si weyn sare ukacay Qiimaha Maciishada Dalka iyo Bakaashka Yar Yar,Waxaanu dalka ku sii siqiyaa Xaalad xun oo Qalafsan oo Noloshu sii adkaanayso.

Mid ka mid ah Ganacsatada Suuqa Waaheen ee Magaaladda Hargeysa oo lagu magacaabo Muxumed Cabdi Godaad oo Wargeyska Foore u waramay ayaa Waxa uu hadalkiisa ku bibaalay sidan "Walaal Xaalad adag ayaan kujirnaa,Anagu waxaanu wax ku soo iibsanaa Dollar, markaa haddaanu dollarkii Nuurigiisaba waynu Waxba nagama soconayaa sidaa darteed waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu lacagta Shilinka Somaliland isticmaalkeeda yarayno,oo aanu Doolar wax ku gadno, waayo, Sariflayaasha hadaad u tagto kama helaysid Dollar, Kaash uunbaa hor tuban,markaa halkeeno Dollar ka keenaa,Waxa sidoo kale Jira Suuqyo gaar ah oo kuwa Qaadka u badan oo Dollarka lagu kala iibsado, kuwaasi oo iyagu ka Masuul ah Dollar Qaaliyawga,Runtii Xaaladu waxay maraysa Meel Xun waxaana maalinba maalinta ka dambaysa hoos u sii dhacaysa Lacagteenii,Oo Sii Baytamaalaysa,markaa waxaan soo jeedin lahaa in Gurmad deg deg ah loo galo Sidii lacagteena dib loogu soo noolayn lahaa,waayo haddii ay sidan ku sii socoto Maalin dhaw suuqyada waxba lagaaga iibin maayo”. Ayuu yidhi isaga oo arrinkaasi ka hadlayay.