Somaliland Oo Ka Hadashay Heshiiska Duulimaadka Ee Kenya Iyo Soomaaliya Dhex Maray

0
Thursday April 20, 2017 - 18:35:30 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ka Hadashay Heshiiska Duulimaadka Ee Kenya Iyo Soomaaliya Dhex Maray

    Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa ka hadlay heshiiska dhawaan dhex maray labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ku heshiiyay in duulimaadyadii ka iman jiray magaaladda Muqdisho ee lagu sii baadhi jiray Wajeer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa ka hadlay heshiiska dhawaan dhex maray labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo ku heshiiyay in duulimaadyadii ka iman jiray magaaladda Muqdisho ee lagu sii baadhi jiray Wajeer ay si toos ah u tagi doonto magaaladda Nairobi.

Farxaan oo arrimahaasi ka hadlay ayaa yidhi "Dee Soomaaliya uun bay ka wada hadleen ee soomaaliland kamay wada hadal, Anaga Muqdisho Duulimaadkayagu ma maro, Mana Marayo, waxaa weeyaan duulimaadkayagu waa toos, qaarna Adis Ababa ayay maraan, Qaarna Dubai ayay maraan, kuwo kalena Djabouti ayay maraan” ayuu u sheegay Wasiir Farxaan Bulshotv, waxaanu intaasi ku sii daray.



Hadii ay Laba Dawladood Heshiiyeen, inaguna dawlado kale ayaynu heshiis kula jirnaa, Markaa Tooda ka hadli mayo.

 

Muhiim maaha waxa ay labada dawladood ka wada hadleen, laakiin waxa muhiim ah halkee ayay dawlada soomaaliya xidhiidh la leedahay, Duulimaadyadda Somaliland wax iska bedelayaa ma jirto” ayuu yidhi