Haweeneyda caalamka ugu culeyska badnayd oo qaliin lagu sameeyay

0
Friday April 21, 2017 - 17:08:00 in by Burco Office
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeneyda caalamka ugu culeyska badnayd oo qaliin lagu sameeyay

    Haweeneyda caalamka ugu culeyska badnayd oo qaliin lagu sameeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeneyda caalamka ugu culeyska badnayd oo qaliin lagu sameeyay

Haweeneyda caalamka ugu cusleyd ayaa qalliin ay ku sameeyeen dhakhaatiir ka howlgasha isbitaal ku yaal dalka Hindiya waxaa ay uu miisaankeeda hoos ugu dhacay 250kg.

Iman Cabdi El Aty ayaa qoyskeedu waxa ay sheegeen in culeyskeedu uu markii hore ahaa 500kg ayna awoodi weysay inay kabaxdo guri muddo 25 sanadood ah…

Isbitaalka Mumbai Saifee oo ku yaal magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa qalliinka ku sameeyay haweeneydan iyadoo labadii bilood ee la soo dhaafay ay ku jirtey.

Dr Muffazal Lakdawala oo ah dhakhtarka qalliinka ku sameeyay Iman ayaa la sheegay inay haatan awoodikarto inay ku fariisato kursi, iyadoo markii hore ay ahayd qof aan fariisan karin.

Qoyska ay ka soo jeedo Iman oo hadda ah 36 sano jir ayaa waxa ay sheegeen inay markii ay dhalatay uu miisaankeedu ahaa 5kg balse waxaa la sheegay inuu ku dhacay cudur loo yaqaan maroodiyow kaasoo jirka qofka ka dhigo mid si degdeg ah u kobca.

Iman Cabdi ayaa hoos u dhaca ku yimid culeyskeeda waxa ay ku weysay rikoorka hore ugu yiil ee miisaanka dunida ugu haysatay waxaana haatan la sheegay in caalamka ay ugu miisaan badan tahay haweeney lagu magacaabo Pauline Potter oo ku nool dalka Hindiya oo miisaankeedu yahay 293.6 kg (643 lbs)

.