Xukuumadda Itoobiya Oo Xidhay Ku Dhawaad 100 Qof Oo Xadka Ereteriya Ka Soo Talaabay.

0
Saturday April 22, 2017 - 09:37:00 in by Burco Office
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Itoobiya Oo Xidhay Ku Dhawaad 100 Qof Oo Xadka Ereteriya Ka Soo Talaabay.

    Warbaahinta hoos tagta dawladda Itoobiya ee Fana ayaa ku warramaysa in xukuumaddu ay xidhay 98 ruux oo lagu tilmaamay "shabakado ammaanka ka dhan ah" oo doonayay in ay ka soo galaan dhanka Eritrea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta hoos tagta dawladda Itoobiya ee Fana ayaa ku warramaysa in xukuumaddu ay xidhay 98 ruux oo lagu tilmaamay "shabakado ammaanka ka dhan ah" oo doonayay in ay ka soo galaan dhanka Eritrea.

Warbaahinta hoos tagta dawladda Itoobiya ee Fana ayaa ku warramaysa in xukuumaddu ay xidhay 98 ruux oo lagu tilmaamay "shabakado ammaanka ka dhan ah” oo doonayay in ay ka soo galaan dhanka Eritrea.


 

Xidhitaanka dadkaas ayaa dhacay labadii billood ee u dambeeyay.

Warbaahintan oo magaceeda loo soo gaabiyo FBC ayaa sheegtay in dadka la qabqabtay ay ka tirsan yihiin Ginbot 7 oo fadhigoodu yahay Eritrea iyo Jabhadda Xoraynta Oromada ee magaceeda loo soo gaabiyo OLF oo "ururro argagixiso ah”.

Waxay soo xigatay masuuliyiin dawladda ka tirsan oo sheegaya in 15ka ruux ee todobaadkan la xiray ay qorshaynayeen in ay weerar ku qaadaan ilaha dhaqaalaha ee dalka Itoobiya.

Dawladda Itoobiya waxaa hadda ka jira xaalad degdeg ah iyadoo ay dawladdu isku dayayso in ay wax ka qabato mudaaharaadyada, oo ay ka mid yihiin kuwa gobolka Oromada.