Xisbiga ugu wayn mucaaradka Turkiga oo doonaya in la hakiyo dhaqan galinta dastuurka cusub

0
Saturday April 22, 2017 - 09:52:44 in by Burco Office
  • Visits: 551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga ugu wayn mucaaradka Turkiga oo doonaya in la hakiyo dhaqan galinta dastuurka cusub

    Xisbiga ugu wayn mucaaradka Turkiga oo doonaya in la hakiyo dhaqan galinta dastuurka cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga ugu wayn mucaaradka Turkiga oo doonaya in la hakiyo dhaqan galinta dastuurka cusub

Xisbiga ugu wayn mucaaradka Turkiga ayaa dacwad u gudbiyey maxkamadda taas oo uu ku dalbanayo in la laalo natiijada aftidii dastuurka ee dhacday Axaddii hore, taas oo garabkii madaxweyne Recep Tayyib Erdogan hogaaminayey ku guulaystay isla markaana awoodihiisa si wayn u kordhin doonta.

Xibiga Jamhuuriga ah ee Shacbigu markii uu dacwadda maxkamadda u gudbinayey wuxu sheegay in doodiisu tahay in aftidaa natiijadeeda la laalo maadaama oo malaayiin waraaqaha codka lagu bixiyey oo aan la shaabadaynin la tiriyey.

Waxa kale oo xisbigaasi dalbanayaa in dhaqan galinta dastuurka cusub isna la hakiyo ilaa inta maxkamaddu go'aan ka gaadhayso dacwaddan ay u gudbiyeen.

Haseyeeshee, madaxweyne Erdogan ayaa isna ku tilmaamay mucaaradka in ay guul darraysteen oo uu meel maray rabitaankii shacabku.

Arbacadii ayaa gudida doorashooyinka dalku ganafka ku dhufteen codsi loo soo gudbiyey oo ahaa in la buriyo natiijada aftidii la qaaday.