Dhakhtar Ku Yaalla Sucuudiga Oo Maalin Kasta Fuliya Qaliino Lagula Dagaalamayo Barruurta Xad-Dhaafka Ah

0
Saturday April 22, 2017 - 12:12:00 in by Burco Office
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhtar Ku Yaalla Sucuudiga Oo Maalin Kasta Fuliya Qaliino Lagula Dagaalamayo Barruurta Xad-Dhaafka Ah

    Dhakhtar Ku Yaalla Sucuudiga Oo Maalin Kasta Fuliya Qaliino Lagula Dagaalamayo Barruurta Xad-Dhaafka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhakhtar Ku Yaalla Sucuudiga Oo Maalin Kasta Fuliya Qaliino Lagula Dagaalamayo Barruurta Xad-Dhaafka Ah

Dadka ku dhaqan Dalka Sucuudiga ayaa la kulma dhibaatooyin caafimaad oo ay sabab u tahay Buurnida Xad-dhaafka ah ee ku habsatay Da’yarta iyo haweenka ku nool dalkaasi, mid ka mid ah dhakhaatarada ku yaalla Caasimada Dalkaasi ee Riyad oo ay gacanta ku hayso Hay’ada Caafimaadka ee loo yaqaan Care ayaa cadeeyay in maalin walba lagu fuliyo ugu yaraan 10 qalniin oo la xidhiidha dhinaca Buurnida iyo sidoo kale Barruurta Xad dhaafka ah ee ay Dadyawgaasi ka cabanayaan.


Hay’ada Caafimaadka Adduunka WHO ayaa sheegtay in 33% haweenka Dalkaasi Sucuudiga ay ku qasbanaadaan inay sameeyeen qaliino ay isku dhuubayaan oo ay ku kharash gareeyaan lacag aad u badan.

Wiil dhallinyar ah oo la yidhaahdo Cabdalah Al-xurayb oo ka mid ah Dadka qaliinka noocaasi ah galay ayaa yidhi "In badan ayaan dhib la soo maray barruur I saarneyd, maadaama oo miisaankaygu ahaa 180Kg, waxaanan awood u yeelan kari waayay in bulshada aan dhex galo, run ahaantii cuqdad ayey igu riday, mararka qaar in aan dhaqaaqo ayay ii diiday”.

Dhinaca kale Dadka ku nool Dalkaasi Sucuudiga ee qaba xanuunka macaanka ayaa tiradooda lagu sheegay inay tahay 3.8 Milyan oo qof waxaana ka mid ah sababaha kor u qaaday buurnidaasi in dadka ku nool dalkaasi badankoodu aanay jeclaysan inay sameeyaan wax jimicsi ah waana ta ku kalifaysa in maalin walba Caasimada Dalka laga fuliyo in ka badan 10 qaliin oo Barruurta lagula dagaalamayo.