Mid Ka Mid Ah Dalalka Qaarada Yurub Oo Saaka Looga Dareeray Doorasho Madaxweyne Iyo Dalka Uu Yahay

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Ka Mid Ah Dalalka Qaarada Yurub Oo Saaka Looga Dareeray Doorasho Madaxweyne Iyo Dalka Uu Yahay

    Mid Ka Mid Ah Dalalka Qaarada Yurub Oo Saaka Looga Dareeray Doorasho Madaxweyne Iyo Dalka Uu Yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid Ka Mid Ah Dalalka Qaarada Yurub Oo Saaka Looga Dareeray Doorasho Madaxweyne Iyo Dalka Uu Yahay
Paris (afka):- Dalka Faransiiska ayaa isu diyaarinaaya doorashada madaxtinimada dalkaas, iyadoo maanta
oo Axad loo dareeray goobaha cod bixinta, xilli ammaanka si aad ah loo adkeeyay, kaddib weerar khamiistii ka dhacay Paris oo lagu dilay askari Boolis ah.


Ciidan tiradooda lagu qiyaasay Illaa 50-kun oo boolis ah iyo illaa 7,000 oo ciidamo Milateri ah ayaa la geeyay dhamaan magaalooyinka dalkaas, si ay u xaqiijiyaan ammaanka goobaha doorashada ka dhaceyso.
 
 
Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya 11 Musharax kuwaas oo raba in mid ka mid ahi uu noqdo Madaxweynaha soo socda ee dalkaas, iyadoo la filayo labada musharax ee ugu codka badan ay u gudbaan wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta bisha May.


Waxaana Musharaxiinta qaar ayaa yeesheen doodo kulul oo ka baxeysay Telefishinada, waxaana xisbiyada u tartamaya xilka Madaxtinimada ay isku dhaafsadeen hadalo kulul.

Afarta Musharax ee ugu cad cad ayaa waxay kala yihiin Francois Fillon, Marine Le Pen, Emmanuel Macron iyo Jean-Lug Melenchon.

Dhinca kale waxaa xusid muddan in madaxweynaha xilka haya Francois Hollande oo xilkan loo doortay sanadkii 2013 ayaan tartami doonin