Maraykanka oo Yemen ku dilay dad loo maleynayo Al-Qaacida

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo Yemen ku dilay dad loo maleynayo Al-Qaacida

    Maraykanka oo Yemen ku dilay dad loo maleynayo Al-Qaacida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka oo Yemen ku dilay dad loo maleynayo Al-Qaacida
Shan qof oo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsanaayeen Al-Qaacida ayaa la soo warinayaa in lagu dilay dalka Yemen, waxaana la rumaysan yahay in uu ahaa weerar ay qaadeen diyradaha aan duuliyahu wadin ee Drones-ka loo yaqaan ee Maraykanku leeyhay.
Ila wareedyo dhinaca nabadgelyada oo maxali ah ayaa sheegaya in sedex rayid ah ay sidoo kale ku dhinteen weerarkaas oo ka dhacay gobolka koonfureed ee Shabwah.
Gaari ay maleeshiyadu ku safraayeen ayaa weerarka lagu qaaday.
Sida laga so xigtay ilo xagga nabadgelyada ah dadka rayidka ah ee dhintay ayaa isku dayeyey in ay caawiyaan dad ku dhex jiray gaariga markii weerarka labaad uu haleelay.
Dhacdo kale oo tas ka duwan, ayaa todobo askari oo Yemeniyiin ah lagu dilay qarax ka dhacay xero milateri oo ku taal magaalada Cadan .
Rasaas meel xiran ku jirytay ayaa la sheegay in ay si kedis ah ah u qaraxday.