Wasiirka gaashaandhigga Afghanistan oo isu casilay weerarkii Taliban
Wasiirka gaashaandhigga Afghanistan oo isu casilay weerarkii Taliban
Wasiirkii difaaca ee dalka Afghanistan ayaa isu casilay weerarkii ay Taliban qaaday ee lagu laayay askar badan oo milatariga ka tirsanaa, sida ay sheegtay madaxtooyadu.
Weerarka ayaa Jimcihii ka dhacay saldhig milatari oo ku yaala meel u dhaw magaalada Waqooyiga ku taalla ee Mazar-e Sharif.
Malayshiyada oo u labisan sida milatariga ayaa bartilmaameedsaday askar ka soo dareertay masaajid ku yaala saldhigaas dhexdiisa sida ay milatarigu sheegeen.
Ma cadda inta ruux ee ku dhimatay weerarkaas.
Wasaaradda difaaca ee Afghanistan ma aysan shaacinin tirada rasmiga ah ee askarta ay waxyeeladu soo gaartay, waxayna sheegeen in in kabadan boqol askari ay dhimasho iyo dhaawac isugu jiraan.
Laakiin qof goobjooge ah ayaa BBC-da u sheegay in maydadka uu indhihiisa ku arkay ee tiriyay ay ahaayeen 165.
Axaddiina waxaa dalkaas ka dhacay aas loo sameeyay dadkii ku dhintay.
Wasiirka gaashaandhigga Afghanistan oo isu casilay weerarkii Taliban
Wasiirka gaashaandhigga Afghanistan oo isu casilay weerarkii Taliban