War Deg Deg Ah:-Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Xubno Wehelinayey Oo Shil Gaadhi Ku Galay Waddada U Dhaxaysa Hargeysa Iyo Gabiley.

0
Monday April 24, 2017 - 14:48:11 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Xubno Wehelinayey Oo Shil Gaadhi Ku Galay Waddada U Dhaxaysa Hargeysa Iyo Gabiley.

    Gabilay(AFKA);wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan) iyo xubno la socday ayuu gaadhi kula dhacay waddada u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa Iyo Gabiley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabilay(AFKA);wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan) iyo xubno la socday ayuu gaadhi kula dhacay waddada u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa Iyo Gabiley.

Wasiirka iyo xubnaha wehelinayey ayaa ka soo laabtay safar ay ku joogeen magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo ay arimo shaqo u tageen.Sida ay sheegayaan wararku, shilkaasi gaadhi ayuu dhaawac fudud ka soo gaadhay laba ka mid ah ilaalada wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta, iyada oo aanu shilkaas waxba ku noqon wasiirka, darawalkiisii iyo siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo ka mid ahaa xubnaha wasiirka wehelinayey.

Waddada u dhaxaysa magaalooyinka Gabiley iyo Hargeysa ayaa u baahan



in dib u dhis iyo dayactir lagu lagu sameeyo iyada oo ay ka muuqdaan godad badan oo ka samaysmay waddada dhexdeeda.

 

 

Image may contain: tree, car, outdoor and nature
Image may contain: car, tree, outdoor and nature
Image may contain: tree, plant, sky, car, outdoor and nature