Weerarrada 'burcad badeedka Soomaalida abaartaa soo celisay'

0
Tuesday April 25, 2017 - 09:02:45 in by Burco Office
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerarrada 'burcad badeedka Soomaalida abaartaa soo celisay'

    Weerarrada 'burcad badeedka Soomaalida abaartaa soo celisay'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarrada 'burcad badeedka Soomaalida abaartaa soo celisay'

Sarkaal sare oo ka tirsan millatariga Maraykanka ayaa sheegay in burcad badeedda ku soolaabatay xeebaha Soomaaliya ay u muuqato in ay hurinayaan abaarta iyo macaluusha ka jirta Soomaaliya.

Taliyaha ciidammadda Maraykanka ee Afrika fadhigoodu yahay Jeneraal Thomas Waldhauser, ayaa sheegay in bishii hore ay dhaceen ilaa lix weerar oo ay burcadcad badeedu gaysatay.

Inkastoo sanadkii 2011kii ay cirka isku shareereen weerarada burcadbadeedku haddana gabi ahaanba way istaageen, ka dib markii la xoojiyay ciidammad badda gaafwareega iyo shirkaddaha maraakiibka oo sare u qaaday talaabooyinka ammaan maraakiibtooda.

Jeneraal Waldhauser ayaa haddalkan sheegay ka dib markii wasiirka difaaca ee Maraykanka Jim Mattis uu booqday saldhigga milatari ee Maraykanku ku leeyahay dalka Jibuuti.

Mattis ayaa sheegay in ay la socdaan falalka burcadbadeedka balse uusan filaynin in milatariga Maraykanku ay jawaab ka bixiyaan.