Marine Le Pen Oo Banaysay Hogaanka Xisbigeeda.

0
Tuesday April 25, 2017 - 09:58:47 in by Burco Office
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marine Le Pen Oo Banaysay Hogaanka Xisbigeeda.

    Marine Le Pen Oo Banaysay Hogaanka Xisbigeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marine Le Pen Oo Banaysay Hogaanka Xisbigeeda.


Marine Le Pen Oo Banaysay Hogaanka Xisbigeeda.

Musharaxa midig fog ee doorashada madaxweynanimada Faransiiska, Marine Le Pen,in ayaa ka dagaysa xilka hogaamiyaha xisbiga National Front si ay diiradda u saarto ol'olaheeda.

Waraysi ay siisay Telefishin ayay ku sheegtay in aysan ahaan doonin mid dhinac u janjeerta".

Le Pen ayaa waxa ay tartan adag la gali doontaa Emmanuel Macron iyaga oo isku wajihi doona wareegga labaad ee doorashda faransiiska oo la qaban doono laba tadabaad ka dib.

Ra'yi uruurinada ayaa muujinaya in Macron uu yahay mid ku guulaysan kara wareegga labaad ee doorashada balse Le Pen ayaa tiri "waan guulaysan karnaa,waana guulaysanaynaa"

Tallaabada ay Le Pen xilka uga dagtay ayay dadka qaar ku tilmaameen mid kumeel gaar ah.

Waxay u sheegtay telefishinka France 2 in faransiiska ay soo wajahday wakhti adag.

Le Pen ayaa sheegtay in go'aankeeda uu ku qotomo fikirka ah in madaxweynahu uu isu keeno dhammaan dadka Faransiiska ah.

"Sidaasi daraadeed, caawa laga bilaabo ma ahi madaxwaynaha xisbiga National Front, waxaana ahay musharaxa madaxwaynanimada Faransiiska" ayay tiri Le Pen.

Wariyaha Hugh Schofield in Paris ayaa waxa uu sheegay in arrintani ay tahay mid ay uga gol leedahay in ay muujiso in danaha dalka ay ka fikirayso oo aysan ka fikirayn danta xisbigeeda, waxayna fariin u diraysaa cod bixiyayaasha musharaxiintooda lagaga adkaaday wareegii kobaad ee doorashada, gaar ahaan kuwa jamhuuriga ee' François Fillon.