Turkiga Oo Ku Faanay Kaalmii U Yareyd Oo Ay U Direen Bulshad Abaaraha Asiibeen Ee Geeska Afrika.

0
Tuesday April 25, 2017 - 10:47:00 in by Burco Office
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Ku Faanay Kaalmii U Yareyd Oo Ay U Direen Bulshad Abaaraha Asiibeen Ee Geeska Afrika.

    Turkiga Oo Ku Faanay Kaalmii U Yareyd Oo Ay U Direen Bulshad Abaaraha Asiibeen Ee Geeska Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga Oo Ku Faanay Kaalmii U Yareyd Oo Ay U Direen Bulshad Abaaraha Asiibeen Ee Geeska Afrika.


Turkiga Oo Ku Faanay Kaalmii U Yareyd Oo Ay U Direen Bulshad Abaaraha Asiibeen Ee Geeska Afrika.

 

Ha’yadda Turkish Foundation, ayaa sheegtay inay raashin mucaawimo ah gaadhsiinayso dalal mandaqadda ku yaalla oo ay ka mid yihiin Somaliland, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan.

Diyanet Foundation, ayaa 1,500 xidhmo oo raashinka loo baahan yahay ah waxay u dirtay deegaanno ku yaalla gobolka Togdheer ee Somaliland, siday faafisay wakaalada wararkaAnadoluee dalka Turkiga oo shabakaddabatalaalenews.news, soo xigatay. Kaalmadan ayaa ah wax aad u yar oo aan waxtar la taaban karo u yeelan karin dadka reer Somaliland.

Hay’addani waxay kaloo ay qorshaynaysaa inay 18,000 oo qoys oo ah kuwa ugu jilicdsan ee abaartu asiibtay oo ku nool Soomaaliya, Kiiniya, Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan raashin gaadhsiiso.

Warkuwaxa uu intaas ku daray in kaalmo raashin ah ay u dirayso Hay’addaasi 5,500 oo qoys oo ku kala jooga Muqdisho, Garbahaarey, Baardheere, Qardho iyo Baydhabo ee wadanka Soomaaliya.

 

.

Dr. Mesut Sezikli, oo ah dhakhtar mutadawac ah, ayaa sheegay in 37 carruur ah oo koriinkoodu hagaasay ay daweeyeen. Waxaanu dhakhatarkaasi xusay in baahi weyn loo qabo kiniinka fiitimiinnada carruurta.

Qarrammada Midoobay, ayaa sannadkan shaacisay in 950,000 oo caruur Soomaali ahi oo da’doodu ka yar hoosayso shan sanno jir ay haysato nafaqo la’aani.

Abaarta ka taagan Soomaaliya oo ah tii ugu xumayd ee soo marta tan iyo 1945-kii, waxay saamaysay kala badh tirada guud ee dadka Soomaaliya, waxaana ugu daran siday wakaalada UN-ku sheegeen gobolka Bay oo 110 qof ugu dhinteen gaajo iyo shuban biyood ka dilaacay bishan.