Shil baabuur oo Kenya ku dilay 24 ruux

0
Tuesday April 25, 2017 - 11:27:37 in by Burco Office
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil baabuur oo Kenya ku dilay 24 ruux

    Afar iyo labaatan ruux ayaa dhimatay tiro kale ayaana ku dhaawacantay shil baabuur oo ka dhacay wadada wayn ee isku xirta Nairobi iyo magaalo xeebeedka Mombasa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar iyo labaatan ruux ayaa dhimatay tiro kale ayaana ku dhaawacantay shil baabuur oo ka dhacay wadada wayn ee isku xirta Nairobi iyo magaalo xeebeedka Mombasa.

Afar iyo labaatan ruux ayaa dhimatay tiro kale ayaana ku dhaawacantay shil baabuur oo ka dhacay wadada wayn ee isku xirta Nairobi iyo magaalo xeebeedka Mombasa.

Shilkan ayaa ka dhashay ka dib markii ay isku dhaceen bas iyo gaari waday gaaska cuntada lagu karsado.

Taliyaha booliiska aagaas Leornard Kimaiyo ayaa BBC-da u sheegay in 23 ruux ay ku dhinteen isla goobtii uu shilku ka dhacay mid kalana uu isbitaalka ku nafwaayay.

Dadka dhintay waxay kala yihiin labaatan ruux oo qaan gaar ah iyo saddex carruur ah.

Dadkii ku dhaawacmay shilka ayaa loola cararay isbitaalada ka agdhaw goobtaas.

Sanadkaste 3,000 oo ruux ayaa Kenya ugu dhimata shilalka wadooyinka ka dhaca sida ay sheegtay waaxda qaran ee gaadiidka iyo badqabka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo NTSA.