Wasiirka Gashaandhiga Dalka Maraykanka Oo Bookhasho Ku Tegay Jabuuti.

0
Tuesday April 25, 2017 - 13:13:56 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gashaandhiga Dalka Maraykanka Oo Bookhasho Ku Tegay Jabuuti.

    Xoghayaha Gaashaandhiga dalka Maraykanka Jeneraal James Mattis ayaa Axadii gaadhay dalka Jabuuti oo ay ku taal xerada ugu weyn ee uu Militariga Maraykanka ku leeyahay qaarada Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Gaashaandhiga dalka Maraykanka Jeneraal James Mattis ayaa Axadii gaadhay dalka Jabuuti oo ay ku taal xerada ugu weyn ee uu Militariga Maraykanka ku leeyahay qaarada Afrika.

Booqashada Jeneraal Mattis ayaa lagu soo beegay wakhti ay xukuumada cusub ee Maraykanka sheegtay inay dardar gelin doonto dagaalka ay kula jirto kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Saldhiga Maraykanka ku leeyahay Jabuuti ayey ku sugan yihiin askar gaareysa 4 kun oo Maraykan ah, waana halka laga hago diyaaradaha Drones-ka uu Maraykanka ku duqeeyo qeybo kamid ah dhulka Al shabaab ku sugan tahay.

Jeneraal Mattis ayaa shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Jabuuti kadib markii uu kulan la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ayaa ka hadlay ahmiyada booqashada uu ku yimid Jabuuti.

Wuxuu sheegay in dalka Jabuuti uu kamid ahaa wadamadii ugu horreeyey ee garab istaagay Maraykanka kadib weerarkii 911, wuxuuna sheegay in saldhigga ay ku leeyihiin Jabuuti uu yahay kan ugu weyn ee joogtada ah ee Qaarada Afrika ku yeesheen.

"Waxaana ka wadahadalnay Madaxweyne Geele kaalinta Jabuuti ay ka qaadaneyso la dagaalanka kooxda Al shabaab ee Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta labada dal….” Ayuu yidhi General Mattis oo intaasi sii raaciyey in askarta Maraykanka ay tixgelineyso Madax-banaanida dalka Jabuuti, balse ay muhiim tahay sugida amniga deegaanka gaar ahaan bada cas iyo Bab Al Mandeb.

Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka ayaa sidoo kale kulamo la yeelan doona ciidamada xulafadooda Faransiiska iyo Japan oo iyaguna saldhigyo kuleh dalka Jabuuti.