Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya oo ka Hadlay Qodobbo uu Kala Hadlay Saddex Danjireyaasha Imaaraadka, Talyaaniga Iyo Jarmalka.

0
Tuesday April 25, 2017 - 13:24:19 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya oo ka Hadlay Qodobbo uu Kala Hadlay Saddex Danjireyaasha Imaaraadka, Talyaaniga Iyo Jarmalka.

    Hargeysa(AFKA);Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa si gooni gooni ah ula kulmay danjireyaasha dawladaha Imaaraadka Carabta, Talyaaniga iyo Jarmalka u fadhiya Muqdisho. Waxaanu sheegay inuu kala hadlay si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa si gooni gooni ah ula kulmay danjireyaasha dawladaha Imaaraadka Carabta, Talyaaniga iyo Jarmalka u fadhiya Muqdisho. Waxaanu sheegay inuu kala hadlay sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga dawladiisu la leedahay dalalkaas.

Wasiir Garaad wuxuu sidaad ku sheegay qoraal uu ku baahiyay shabakadiisa internet-ka Isniintii maanta, waxaanu ka hadlay qodobbadii uu la soo qaaday safiirradaas. Waxaanu qoraalkaas oo dheeraa u dhignaa sidan:

"Maanta waxaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda midba mar shir ugula yeeshay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Carlo Campanile iyo Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjirayaasha waxaan kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ay la leedahay Talyaaniga tan gobonimadii


iyo Imaaraadka Carabta tan iyo xilligii Shiikh Zayed.

 

Labadan Danjire iyo Danjiraha Jarmalka u qaabbilsan Soomaaliya Jutta Frasch oo aan goobjoog ka ahaa kulan uu Ra’iisal Wasaaruhu kula yeeshay Madaxtooyada markii dambena aan qado-shaqo kula yeeshay mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho ayaan ka wadahadalnay qodobbo dhowr ah oo waxtar u leh xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Talyaaniga, Imaaraadka Carabta iyo Jarmalka.

Qodobbada aan Saddexda Danjire kala hadlay waxaa ka mid ah isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, soo dhoweynta shacabka iyo saameeynta uu isbeddelkaasi ku yeelan karo dalka haddii uu taageero la taaban karo ka helo dalalka aan saaxiibka nahay.

Waxaan xusay in Dowladda cusub ay ka go’an tahay in ay la dagaalantomusuqmaasuqa, taas oo faa’iidooyikeeda kale ka sokow, aan rajeyneyno in ay dhiirri geliso in dalalka aan saaxiibka nahay sida Jarmalka, Talyaaniga iyo Xubnaha Midowga Yurub iyo Imaaraadka Carabtu ay sii kordhiyaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya.

Waxaan xusay in maaddaama ay dhallinyaradu tahay tirada ugu badan ee bulshadeenna ay lagama maarmaan tahay shaqo abuur ka sokow in aan damacsan nahay in aan kor u qaadno tirada fursadaha deeqaha waxbarasho ee ay u tartami karaan.Danjireyaashu si guud ayay u soo dhoweeyeen codsigaas. Su'aalo soo baxay ka dibna, waxaan xusay in ay Dowladdu ay ku shaqeyneyso in ardayda la siinayo deeqaha Waxbarasho ay ahaan doonaan kuwa ugu wanaagsan xagga natiijada imtixaanaadka.

Tababbarka Howlwadeennada Wasaaradda ayaa ahayd mowduuc aan kala hadlay Danjirayaashu in ay Macaahiddoodu Diblomaasiyaddu ay tababbarro u fidiyaan shaqaalaha Wasaaradda.

Qodob kale oo Danjirayaasha aan la socodsiiyay ayaaa ahaa in aan xoojineyno Waaxda Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda si ay Danjirayaasha Ajnebiga ah iyo wufuudda ugu fududeyso xiriirkooda laamaha Dowladda iyo dalka oo dhan.

Waxaan u sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu, iyada oo la kaashaneysa Wasaaradda Warfaafinta iyo laamaha kale ee Dowladda ay ballanqaadeyso in Dadweynaha Soomaaliyeed lala socodsiiyo Dowlad kasta oo taageero waxtar leh u fidisa ummadda Soomaaliyeed iyo Dowladdeeda.

Kulammada ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimayaasha Yurub iyo Dalalka Carabta.

Saddexda Danjire waxaan mid kasta ka wadahadalnay xidhiidhka ka labadeenna dal.

Talyaaniga

Danjire Campanile waxaan uga mahadcelin iskaashiga ay Dowladda Talyaanigu la leedahay Soomaaliya.Waxaan ka wadahadalnay deeqaha Talyaanigu bixiyo ee soo mara Qarammada Midoobay iyo doorka ay Dowladda Soomaaliya ku lahaan karto hagiddooda iyo qiimeyntooda. Waxaan ka wadahadalnay qabaqanqaabada Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegi doono dalka Talyaaniga mustaqbalka dhow.

Waxaan xusuusiyay Danjiraha Talyaaniga sida ay Soomaaliya uga faa'iideysatay mashaariicda uu Talyaanigu ka fuliyay Soomaaliya oo ay ka mid tahay waddada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe. Waxaanna Danjiraha u sheegay in maaddaama ay Soomaaliya ka soo kabaneyso colaad ay hadda baahi weyn u qabto mashaariic horumarineed. Waxaa uu Danjiruhu si kaftan ah wax iiga weydiiyay in uu maqlay in aan Talyaaniga wax ku bartay waxaanna uga warramay waxbarashadii aan ku qaatay magaalada Sienna ee dalka Talyaaniga.Waxaan u sheegay in aan Dowladda Talyaaniga abaal uga hayo deeqda waxbarasho ee ay aniga iyo kumanyaal Soomaali ah u fidisay taas oo aan xusay in aan maanta aad ugu baahi qabno.

Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi waxaan uga mahadceliyay sidii wacnayd ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo weftigiisa oo aan ka mid ahaa loogu soo dhoweeyay Abu Dhabi, fadhiyadii aan la yeelannay Madaxda dalka iyo ballanqaadkii waxqabad ee ay sameeyeen.

Imaaraadka Carabta – UAE

Waxaan si gaar ah uga mahadceliyay Barnaamijka deeq ururinta ee Jimcihii ka dhacay Imaaraadka Carabta ee dalka oo dhan looga ururiyay deeq samafal ah oo loogu talogalay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu asiibtay.

Danjiraha waxaan isla qirnay in ay Dowladda Soomaaliya tahay Dowladda Sharciga ah ee dalka oo dhan matasha isla markaasna ay iyadu tahay albaabka sharciga ah ee laga soo galo dalka.Waxaan intaa u raaciyay in Dowladdu ay soo dhoweyneyso horumarinta gobol kasta oo dalka ka mid ah, welibana ay u fududeyneyso Dowladdii dalka ka fulineysa mashruuc horumarineed, iyada oo la dhowrayo Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya isla markaasna laga fogaanayo fal kasta oo taas wax u dhimi kara.

Jarmalka

Danjiraha Jarmalka uga wakiilka ah Soomaaliya, Jutta Frasch, ayaan ka qeyb galay kulan uu Ra’iisal Wasaaruhu kula yeeshay Xafiiskiisa.Ka dibna waxaan la qaatay qado-shaqo. Danjiraha waxaan isla soo qaadnay sidii aan u xoojin lahayn xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka isla markaasna aan isu weydaarsan lahayn booqashooyin Madax Sare oo labada dhinac ah.

Qadada waxaan uga dul sheekeysannay xidhiidhka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka iyo sida aan u aragno in dalalka aan jaarka nahay uu isku xidhan yahay amnigeenna iyo horumarkeennu,”ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.