Hoggaamiyaha Al-Qacida Ayman Al Zawahiri oo Farriin U Diray Kooxaha Ku Dagaalamaya Dalka Suuriya.
- Visits: 567
- (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Hogaamiyaha Al Qacida Ayman Al Zawahiri oo muddooyinkii danbe aan wax war ah laga maqal ayaa fariin cod ah oo lagu shaaciyey Internetka baaq ugu diray kooxaha ka dagaalamaya dalka Siiriya.
Zawahiri ayaa ugu baaqay kooxaha sunnida ah ee ku jira dagaalka Siiriya inay isu diyaariyaan dagaal dheer isla markaana u bedalaan dagaalkooda qaabka ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waa siduu hadalka u dhigayee.
Wuxuuna sheegay in dagaalka ay kula jiraan Shiicada iyo Gaalada duulaanka kusoo qaaday uu socon doono muddo dheer.
Kooxda Al Qacida ayaa muddooyinkii danbe noqotay mid laga tagay, iyadoo inta badan indhaha caalamka kusii jeedaan kooxda Daacish (ISIS) ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Siiriya.
Waxaan sidoo kale jirin koox hada si toos ah uga amar qaadata Al Qacida iyo Zawahiri oo ku sugan Siiriya tan iyo markii kooxdii la oron jiray Jabhatul Nusra ay sheegtay inay ka baxday shabakada Al Qacida iyadoona isbaheysi la sameysatay kooxaha kale ee dalkaasi ka dagaalamaya.
Waxaase weli jira kooxo sheega inay weli hoos tagaan Zawahiri iyo Al Qaicda oo ay kamid tahay kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.