Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo maanta mar kale Xukun Dil Ah fulisay+Sawiro

0
Tuesday April 25, 2017 - 13:48:55 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo maanta mar kale Xukun Dil Ah fulisay+Sawiro

    Muqdisho(AFKA);Maxkamada ciidamada qalabka sida dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa Ciidanka booliiska oo si bareer ah u dilay sanadkii hore qof shacab ah sidoo kale dhaawacay labo qof oo kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Maxkamada ciidamada qalabka sida dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa Ciidanka booliiska oo si bareer ah u dilay sanadkii hore qof shacab ah sidoo kale dhaawacay labo qof oo kale. Xukunka dilka ah ay fulisay Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa saaka ka dhacay fagarae kuyaala magaalada Badhabo, waxaana goobta dilka ka dhacayay goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo saraakiil kale.

Maxkamada ayaa xukunka dilka ah ku fulisay Dable Cali Buurow Maxamed oo katirsanaa ciidanka booliiska Koonfur Galbeed, askarigan ayaana 10-10-2016-kii magaalada Xudur ku dilay qof shacab ah, waxa uu sidoo kale dhaawacay labo qof kale oo ehel la’ ahaa marxuunka uu dilay.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa sidan oo kale shalay xukuno dil ah ugu fulisay afar nin oo ku eedeesnaa in ay katirsanyihiin Al Shabaab kana dambeeyeen qaraxyo dad badan lagu dilay oo sanadkii hore ka dhacay magaalada Baydhabo .