Baracka Obama Oo Soo Bandhigay Caqabadaha Haysta Dalka Maraykanka, Dhalinyarada Fariin U Diray

0
Tuesday April 25, 2017 - 16:33:02 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baracka Obama Oo Soo Bandhigay Caqabadaha Haysta Dalka Maraykanka, Dhalinyarada Fariin U Diray

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo markii ugu horeysay dib ugu soo laabtay nolosha dadweynaha tan iyo markii uu xilka ka degay ayaa ugu baaqay da' yarta magaalada Chicago inay u dhaqdhaqaaqan bulshada, si la mid ah isaga, inta uusa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo markii ugu horeysay dib ugu soo laabtay nolosha dadweynaha tan iyo markii uu xilka ka degay ayaa ugu baaqay da' yarta magaalada Chicago inay u dhaqdhaqaaqan bulshada, si la mid ah isaga, inta uusan siyaasadda gelin.

Madaxweynihii 44-aad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu rajeynayo "inuu gacan ka gaysto oo uu diyaariyo jiilkii sii wadi lahaa wixii uu qabtay ee dunida wajihiObama ayaa sheegay in soddon sano ka hor markii uu ahaa u ololeeye arrimaha bulshada ee magaalada Chicago uu ogaaday "In dadka caadiga ah marka ay wada shaqeeyaan, ay sameyn karaan wax aan caadi ahayn”.lahaa”

 

Obama ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay haystaan bulshada Mareykanka, ayna ka mid yihiin sinaan la’aanta dhaqaalaha, isbeddelka cimilada, iyo eexda ka jirta habka garsoorka Mareykanka, ayna u baahan yihiin in xal loo helo.

Obama ayaa tan iyo markii uu xilka ka degay saddex bil ka hor ka fogaaday inuu dadka kasoo dhex muqudo, wuxuuna ka gaabsaday inuu ka hadlo jahwareerka siyaasadeed ee Washington.

 

 

Source:-VOA