"Waxaan Leeyahay Dadka La Shaqaynaya Madaxweynaha Ee Garbihiisa ah Ha Guul Daraynina Madaxwynaha Qaranka , Hadii Qarankeenu Halkaa Marayo.."Xirsi

0
Wednesday April 26, 2017 - 09:49:35 in by salman abdi
  • Visits: 466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Leeyahay Dadka La Shaqaynaya Madaxweynaha Ee Garbihiisa ah Ha Guul Daraynina Madaxwynaha Qaranka , Hadii Qarankeenu Halkaa Marayo.."Xirsi

    Hargeysa(Afka):- Hogaayimaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa Xubno Dhakhtarka weyn ee Magaalada Hargeysa ku booqday Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa sheegay inay Somaliland iyo qarankaba ceeb ku tahay dadka mudna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Afka):- Hogaayimaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa Xubno Dhakhtarka weyn ee Magaalada Hargeysa ku booqday Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa sheegay inay Somaliland iyo qarankaba ceeb ku tahay dadka mudnaanta leh ay ku silcaan Dhakhtarta, sidoo kale wuxuu ku Canaantay Xukuumada Somaliland inay Bulshada hoos u eegaan dhibaatada dalka jirtana ay wax ka qabtaan.


Hogaamiyaha Waddani oo ugu horayn la hadlaayey Saxaafada ayaa yidhi "Waxaanu halkan ku soo bookhanay Yuusuf Cabdi Gaboobe oo runtii dalka miisaan wayne ku leh oo ah dadkii qaranka u soo halgamay suxufi wayn oo caan ah marka Somaliland lasheegayo dadka ugu caansan xaga saxaafadda ee tiirarka waawayn ee saxaafadda ka mid ahaa oo xag kasta oo loo eego bulshadda qiimo wayn ku leh ah

Isagoo hadalkiisa sii wata Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu xusay "Yuusuf Cabdi Gaboobe runtii inuu halkan ku dayacn yahay oon la daryeelin oon la dirin oon waxbna loo qaban maanta runtii runtii aad ayay ceeb ugu tahay Somaliland iyo qaranka, dadkii mudnaan ayay ahayd in wax loo qabto in qaarkood maanta dhakhtarkan ku cadilan yihiin oo noocaas ku yihiin yuusuf cabdi gaboobena ka mid yahay,qaarna gaajo isku daldalaan,qaarna ku bakhtiyayaan suuqyada oo sicir bararka taagan sahayd oo dareen keenuba aanu la jirin runtii aad ayay ayaan daro u tahay.

Ugu danbayntii wuxuu Xukuumada iyo gaan yarayaasha Madaxweynaha ugu baaqay inaanay guul darayn Tacabka Madaxweynaha islamarkaana ilaaliyaan xilka qaranka ka saran "Waxaan leeyahay Xukuumada iyo xubnaha gacanta ku haya Xilka ee Madaxweynuhu ugu horeeyo qaranka xilbaa idinka saran, qarankiina dhibaatada noocaas ahbaa ka taagan dadka madaxwaynaha la shaqaynaya ee garbahiisana waxaan leeyahay madaxwaynaha ha Guul Daraynina,qaranka ha Guul Daraynina,,Hadii Qarankii Halkaa Marayo Oo Dareenkiina Iyo Caadifadiina Ka Maqan Yahay Waa Ayaan Daroweyn runtiiā€