Masuul Faransiis Ah Oo Ganaax Lacageed Ku Mutaystay Hadal Uu Muslimiin Ku Weeraray

0
Wednesday April 26, 2017 - 10:03:00 in by Burco Office
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Faransiis Ah Oo Ganaax Lacageed Ku Mutaystay Hadal Uu Muslimiin Ku Weeraray

    Nin Maayar magaalo ka ah Faransiiska ayaa lagu ganaaxay 2,000 oo Yuuroo, in uu sheegay hadal nacayb ku salaysan awgeed, ka dib markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Maayar magaalo ka ah Faransiiska ayaa lagu ganaaxay 2,000 oo Yuuroo, in uu sheegay hadal nacayb ku salaysan awgeed, ka dib markii

Nin Maayar magaalo ka ah Faransiiska ayaa lagu ganaaxay 2,000 oo Yuuroo, in uu sheegay hadal nacayb ku salaysan awgeed, ka dib markii uu sheegay in carruurta Muslimiintu ay ku badan yihiin iskuulada deegaankiisa.


Robert Menard oo ah duqa magaalada Beziers oo ku taalla koonfurta dalka Faransiiska ayaa xulafo la ah xisbiga soogalooti diidka ee National Front.

Kawdii bishii Sebtembar ee 2016kii oo ahayd maalintii koobaad ee lagu noqonayay iskuulada Faransiiska ayuu Twitterkiisa ku soo qoray in uu markhaati ka yahay "dhalan rog baaxad leh”.

Hadalkaas kala qaybinta ah ayaa loo adeegsaday in lagu sharaxo eedaymaha ah in bulshadii Faransiiska ee Kiristaanka cad ahayd ay baddalayaan dad soogalooti ah.

Menard oo 5 Sebtembar waraysi siiyay telefishinka LCI ayaa sheegay "in fasal ka mid ah iskuul ku yaala bartamaha magaaladiisa ay 91% carruurta dhigata yihiin Muslimiin, Arrintaasina waa dhibaato. Dulqaadku xad ayuu leeyahay.

Shuruucda Faransiisku waxay mamnuucdaa in tirokoob lagu sameeyo diinta ay dadku aaminsan yihiin iyo qawmiyadaha ay kala yihiin.

Menard ayaase hadalkiisa difaacay oo yiri: "anigu xaaladda magaaladayda unbaan sharaxaad ka bixiyay, qiimayna kuma samynin qiyamka, waana xaqiiqo. Waana wax aan arko.”

Ganaaxa ka sokow maxkamadda magaaalada Paris waxay 1,000 Yuuroo u xukuntay kooxaha cunsuriyadda la dagaalama oo kiiskan maxkamadda keena si ay kharashaadkii ka baxay ugu adeegsadaan.

Menard ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan doono go’aankaas