Dawladda Ruushka Oo La Sheegay Inay Si Qarsoodi Ah U Hubeyso Kooxda Talibanka.
Warar laga helayo saraakiisha Maraykanka ee ku sugan dalka Afghanistaan oo la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegaya in dowlada Ruushka ay si qarsoodi ah u hubeyso kooxda Taliban ee ka dagaalanta dalka Afghanistan.
Warkan la shaaciyey ayey beenisay dowlada Ruushka oo sheegtay in xiriirka kaliya oo ay la leedahay Talibanka ku kooban yahay waan waanta ay ka dhex wado kooxdaasi iyo dowlada Afghanistan, waa sida lagu sheegay war kasoo baxay Moscow.
Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Gen.James Mattis oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kabul ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo eedeynta loo jeedinayo Ruushka, balse wuxuu sheegay in hadii ay rumowdo arrintan ay tahay mid ka hor imaaneysa shuruucda caalamiga ah.
Ruushka ayaa sideetamaadkii ku jabay dagaalkii Afghanistan kadib markii xoogaga dalkaasi ka dagaalamayey oo gacan ka helayey Maraykanka ay uga itaal roonaadeen dagaalkaasi muddada dheer socday.
Maraykanka ayaa hada tuhunsan in Ruushka uu taageerada Taliban uga aargudanayo jabkii horey uga soo gaaray wadankaasi. Ruushka ayaa la sheegayaa inuu hubka fudud siiyo Talibanka oo dardargeliyey dagaalka ay ka wadan gobalada koonfurta Afghanistan ee Helmand, Kandahar iyo Uruzgan.
Dhinaca kale waxaa Isniintii shalay Iscasilay Wasiirka Gaashaandhiga Afghanistan Abdullah Habibi iyo Taliyihii guud ee ciidamada Qadam Shah Shahim. Madaxda sare ayaa iscasilaadooda timid kadib weerarkii Talibanka ku qaaday Saldhig militariga leeyahay oo Jimcihii lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 130 askari.
Dawladda Ruushka Oo La Sheegay Inay Si Qarsoodi Ah U Hubeyso Kooxda Talibanka.
Dawladda Ruushka Oo La Sheegay Inay Si Qarsoodi Ah U Hubeyso Kooxda Talibanka.