SARAAR: Rasaas Ay Fureen Ciidamo La Socday Sherkad Shidaal Baadhis Ka Wada Deegaanka Higlo Oo Ay Dad Ku Dhaawacmeen

0
Wednesday April 26, 2017 - 10:20:48 in by Burco Office
  • Visits: 394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SARAAR: Rasaas Ay Fureen Ciidamo La Socday Sherkad Shidaal Baadhis Ka Wada Deegaanka Higlo Oo Ay Dad Ku Dhaawacmeen

    "Ninkii Gaadhiga (Gaadhiga Sherkadda waday) waxaanu Ku Nidhi Maydka Noo Qaad Wuu Na Diiday Oo Qaadi Maayo Ayuu Yidhi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ninkii Gaadhiga (Gaadhiga Sherkadda waday) waxaanu Ku Nidhi Maydka Noo Qaad Wuu Na Diiday Oo Qaadi Maayo Ayuu Yidhi"

Dadka ku nool deegaanka Higlo ee gobolka Saraar ayaa cabasho ka muujiyey sherkad shiinaha oo halkaasi shidaal baadhis ka wada iyagoo ku eedeeyey inay masuuliyiinta sherkadda ee waddanka u dhashay ay been abuur cad ka sameeyeen dadka deegaanka, been abuurkaas oo sababay inay ciidamada amaanku weerar ku qaadaan dadka ku nool Higlo.


Qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka Higlo oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxay siday wax u dhaceen, waxaana ay sheegeen in mid ka mid ah hawl-wadeenadii sherkaddu uu ka been sheegay dadka deegaanka, ciidamada booliskuna ay rasaas dhaawac sababtay ku fureen dadka deegaanka oo arrinkaas ka hadlayana waxa hadalkoodii ka mid ahaa:

"Halkan Higlo indhawayd waxaa ka jirtay biyo la’aan baad la’aan iyo dadka oo iskaba dhimanaya oo waliba si qayrul xad u dhimanaya , baahida halkaas taalna ilaahay mooyaane cid kale oo wax ka qaban kartaa ma jirto, iyadoo sidaas ah oo aanan cidna gargaar ka hayn ayay gabadhi halkan ku dhimatay, isagoo maydkii halkaas yaalla ayaa waxa noo yimi sherkadan shiinaha ah, waxaa gaadhi watay nin la yidhaahdo ina dhal-baas oo hawlgalka hogaaminayay, waxaanu ku nidhi maydka noo soo qaad, waa uu diiday inuu qaado maydkii, wax lala yaabay oo aan islaamnimada ku wanaagsanayn ayay noqotay. Markaa dumarkii iyo caruurtii wadadii bay gooyeen, odayaashii iyo culimadii magaalada ayaa wadadii dib u furay, markii wadadii la furay warbixin buu bixiyey (ina dhal baas) wuxu yidhi Higlo way go’antahay ninkii shiinaha ahaa ee hawsha hor kaacayayna wuxu yidhi waa la haystaa waxbana arrinkaas kamay jirin, halkaas markay marayso ciidan hubaysan oo dubaabadihiisii wata ayaa na soo galay, dadkii lama waraysan oo waayeelkii lama waraysan oo waxba nalama waydiine rasaastii uunbaa sidaas naloogu jiifiyey, markaa dhaawacii oo afar qof ahaa waa nalaga qaaday oo badhasaabka Caynaba ayaa naga qaaday, markaa waxaanu cadaynaynaa dadkaasi inaanay waxba gaysan oo waxay xumeeyeen aanay jirin oo aanay shidaal diidin”.