500 Oo Qof Oo U Dhintay Cudurrada Daacuunka Ee Ka Dhashay Abaaraha Ka Jira Soomaaliya.

0
Wednesday April 26, 2017 - 12:08:31 in by Burco Office
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    500 Oo Qof Oo U Dhintay Cudurrada Daacuunka Ee Ka Dhashay Abaaraha Ka Jira Soomaaliya.

    500 Oo Qof Oo U Dhintay Cudurrada Daacuunka Ee Ka Dhashay Abaaraha Ka Jira Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

500 Oo Qof Oo U Dhintay Cudurrada Daacuunka Ee Ka Dhashay Abaaraha Ka Jira Soomaaliya.

500 Oo Qof Oo U Dhintay Cudurrada Daacuunka Ee Ka Dhashay Abaaraha Ka Jira Soomaaliya.

Ilaa 500 oo qof ayaa u dhintay cudurrada daacuunka ee ka dhashay abaaraha ka jira Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Tan iyo markii uu cudurka daacuunka uu ka dilaacay dalka Soomaaliya, waxaa uu kusii fidayay dhamaan Gobollada dalka Soomaaliya, sidaasi waxaa yiri Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Cabdullaahi Xaashi.

Inkabada 40 degmo oo ka tirsan dalka Soomaaliya, ayuu saameeyay cudurka daacuunka, waxaana dhintay 500 oo qof, halka 26 kun oo qof oo soomaali ahna uu soo ritay, sidaasi waxaa yiri Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Cabdullaahi Xaashi.

Hay’adda UNICEF ayaa Iyana sheegtay in 30 kun oo caruur ah ay cudurka jadeecadda ka talaashay toddobaadkan magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Xafiiska OCHA ee QM ayaa sheegay in tirada dadka gar-gaarka u baahan ee ku sugan gudaha Soomaaliya in ay gaarayaan 6.2 milyan, taas oo caga-cageyneysa kala bar dadka Soomaaliya sida QM gaar ahaan UNDP u diiwaan gashan.

Shan qof oo Macluul ugu dhimatay degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Ugu yaraan shan ruux ayaa gaajo iyo macluul ugu dhimatay degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, sida uu sheegay Guddoomiyaha degmadda Maxamed Cabdulle Fiidow(Ganey).

Xaaladda nololeed ee degmadda ayaa aad looga deyriyay, waxaana Guddoomiyaha uu sheegay in dadka qaar ay iibsadeen cowska mudullada ay deganaayeen si ay nolol uga helaan.

Koonfurta Soomaaliya, waxaa saameeyn xooggan ku reebay abaaro ay la socdaan, cudurro iyo xanuuno kale.

Dadka ku nool degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay u baahanyihiin gar-gaar bani’aadanimo.