Dhakaatiir Ka Socda Imaaraadka Carabta Iyo Kuwait Oo Soo Gaadhay Somaliland.

0
Wednesday April 26, 2017 - 15:43:44 in by Burco Office
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakaatiir Ka Socda Imaaraadka Carabta Iyo Kuwait Oo Soo Gaadhay Somaliland.

    Waxa maanta dalka soo gaadhay dhakhaatiir ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo u yimid Somaliland inay ka fuliyaan hawlo caafimaad oo bilaash ah, iyagoo joogi doona dalka muddo lix-maalmood ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maanta dalka soo gaadhay dhakhaatiir ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo u yimid Somaliland inay ka fuliyaan hawlo caafimaad oo bilaash ah, iyagoo joogi doona dalka muddo lix-maalmood ah.

Weftigaasi oo ay subaxnimadii hore ku soo dhaweeyeen Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Md Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda, Marwo Samsam Cabdi Aadan, wasiirka wasaaradda Duulista iyo hawada, Md, Farxaan Axmed Haybe, wasiiru-dawlaha wasaaradda caafimaadka, Md Maxamuud Jaamac Aadan (Galaal) iyo Afhayeenka Madaxtooyada Md Xuseen Aadan Cige (Dayr).

Waftigan dhakhaatiirta ah oo uu hogaaminayey Dr Caadil oo ah nin si weyn looga yaqaano dalalka carabta ayaa muddo lix maalmood ah ku sugnaan doona dalka islamarkaana ka fulin doona daaweynta Xanuunadda kala duwan, waxaana ay xarun ka dhigteen Garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium halkaasi oo ay dadweynaha ku daaweyn doonaan, iyadoo dadku iska diwaangelinayey maalmihii u danbeeyey dad ay tiradoodu gaadhay 5000 qof.

Dhakhaatiirta Imaaraadka oo uu u hadlay Dr. Caadil Al-Shamari oo ah ninka hoggaaminayey waftiga Imaaraadka ayaa halkaasi ka hadlay waxaana uu sheegay in socdaalkooda uu amray Madaxweynaha Imaaraadku, islamarkaana uu u sheegay inay Somaliland tahay waddankoodii labaad kana soo fuliyaan gargaar caafimaad oo loogu gurmanayo carruurta iyo dadka waa-weyn, sidoo kale wuxuu xusay in safarkoodu yahay mid la xidhiidha caafimaadka, balse aanay u socon arrimo kale, xoogana ay saari doonaan sidii ay u caawin lahaayeen shacbiga Somaliland.

Waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Madaxtooyada, Md Maxamuud Xaashi Cabdi waxaanu yidhi "saaka waxaan halkan u nimi in aan kusoo dhaweyno Garoonka Caalamigaa ee Cigaal International Airport kooxdan dhakhaatiirta ah ee ka socda Emirates Volunteer Medical Team ee uu hogaaminayoDr Caadiloo ka socda urur dawladda Imaaraadka Carabta ka tirsan, dhakhaatiir badana ay wehelinayaan kuwaas oo isugu jira dalal kala duwan, waxay u yimaadeen inay kaalmo caafimaad ka sameeyaan Jamhuuriyadda Somaliland, Mashruucani waxa uu noqonayaa mid ay iska kaashanayaan Somaliland iyo Dawladda Imaaraadtu waana mashruuc bilow ah sannad walba joogto ayuu noqon doonaa ilaa shan lix jeer Insha Allaah, Mustaqbalkana gobolada ayaanu ku fidin doonaa annagoo uga mahad celinayna dawladda Imaaraadka, gudoonkooda iyo niyad samidooda waxaa kale oo aanu u mahad naqaynaa Cabdixakiin Al-xayaat Foundation oo isaguna qaban qaabadooda iyo isku dubaridkooda doorweyn ka qaatay”

Wasiirka Madaxtooyada oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi " Waxay dhakhaatiirtani ku shaqayn doonaan Xarunta garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium, oo loogu sii diwaangeliyey dad 5,000 iyo dheeraada oo muwaadiniin ah diiwaangelintiina way dhamaatay, si joogto ah baa loo shaqayn doonaa labada gelinba lixdaa cisho hadii Alle ka dhigo, waxaanu dadka muwaadiniinta ah ee is diwaangeliyey ka codsanaynaa inay dhawraan nidaamka oo ay goobtaa yimaadaan dadkii la diiwaangeliyey oo keliyi una fahmaan in aan dad cusub la diiwaangelin doonin madaama oo ay ka xidhan tahay.

Dadka is diwaangeliyeyna waxaanu ka codsanaynaa inay fursada si wacan uga faa’idaystaan dhakhaatiirtu waxay wataan shaybaadhadoodii iyo dawooyinkoodii wax kastaa waa u dhamaystiran yihiin, waxaa caawin doona oo la shaqayn doona dhakhaatiir dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah oo dhinaca turjumada iyo farsamadaba ka caawin doona.

Guud ahaan dawladda Imaaraadka waan u mahadnaqaynaa, waana kaalmooyinkii u horeeyey ee inaga soo gaadhay dhinaca caafimaadka, waxaan rajaynaynaa in aynu saami weyn ka heli doono dawladda imaaraadka qaadhaanka guud ee ay u samaynayaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Dhanka kale waxay wasiiradu ay soo dhaweeyeen saaka dhakhaatiir ka socotay Dalka Kuwait, kuwaasi oo muddo saddex maalmood ah ku sugnaan doona Somaliland, gargaar caafimaadna ka fulin doona dhakhtarka International-ka ee Magaalada Hargeysa ee ay gacanta ku hayso Kuwait.

Wasiirka Madaxtooyada oo ka hadlay soo dhawayntaasi kale ayaa yidhi”sidoo kale waxaan u mahad naqaynaa iyagana oo aanu saaka halkan kusoo dhaweynay dhakhaatiir ka timi wadanka Kuwait oo iyaguna u socda cusbitaalka International ee ay maamusho Jimciyatu Al-Raxma oo joogi doona saddex cisho dhammaantood dhakhaatiirtaasi waxay bixin doonaan adeeg caafimaad oo bilaash ah waxaana ay ka mid yihiin kaalmooyinka binu-aadamnimo ee dadka walaalaha ah ee Muslimiintu u fidinayaan Shacbiga Somaliland gaar ahaan dalalka aynu saaxiibka nahay ee xidhiidhka weyni inaga dhaxeeyo, ka Somaliland ahaan.

Xukuumadda Somalilandna waxay dhiirigelinaysaa xidhiidhka dawladaha Carabta oo wakhtigii hore aad u gaabnaa, haddase wax badan baa iska bedelay dalal badan baanu xidhiidhkooda kordhin doonaa oo kamida wadamadaasi, saaxiibadii hore ee aynu haysanayna waynu ku faro adaygaynaa kuwo cusubna waynu raadsanaynaa dhammaantiinba waad mahadsan tihiin Warbaahinta iyo dadka kale ee marti sharafta ah ee halkan saaka ku soo dhaweeyey dhakhaatiirtan