Guddida Doorashada Maamulka Galmudug Oo Shaaciyey Wakhtiga La Qabanayo Doorashada Madaxtinimada Maamulkaasi

0
Wednesday April 26, 2017 - 21:09:17 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Doorashada Maamulka Galmudug Oo Shaaciyey Wakhtiga La Qabanayo Doorashada Madaxtinimada Maamulkaasi

    Guddida doorashada maamul goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in doorashada madaxtinimada maamulkaasi la qaban doono 30-ka bishan April.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida doorashada maamul goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in doorashada madaxtinimada maamulkaasi la qaban doono 30-ka bishan April.

Wasiirka arimaha gudaha dawlada federaalka ah ee somaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo madaxda maamulka Galmudug ayaa isku af gartay in doorashada madaxtinimada maamulkaasiGudoomiyaha guddida doorashada maamulka Galmudug Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa musharaxiinta u tartamaya madaxtinimada maamulkaasi ku war geliyey inay mudo 24 saacadood ah ku soo galaan magaalada Cadaado, waxaanu sheegay in musharaxiintaas la siin doono shahaadada musharaxnimo.

sidoo kale gudddida doorashada maamulka Galmudug ayaa sheegay inaanay doorashadu wakhtigeeda dib uga dhici doonin wakhtigii loogu tala galay.


la qabto dabayaaqada bishan.

 

Gudoomiyaha guddida doorashada maamulka Galmudug Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa sheegay inay doorashada u qaban doonaan qaab cadaalad ku dhisan oo loo riyaaqi doono.

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa 26-kii bisha February ee sanadkan u dhawaaqay inuu is casilay, isaga oo sheegay inuu isku casilay sababo la xidhiidhay caafimaadkiisa, balse waxa jiray khilaaf meel adag gaadhay oo u dhaxeeyey isaga iyo xildhibaanada baarlamaanka oo sheegay inay xilkii ka qaadeen.