Maraykanka Iyo Midowga Afrika Oo Ka Hadlay Xilliga Soomaaliya Ka Maarmi Karto Ciidammada AMISOM

0
Thursday April 27, 2017 - 09:40:49 in by Burco Office
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Iyo Midowga Afrika Oo Ka Hadlay Xilliga Soomaaliya Ka Maarmi Karto Ciidammada AMISOM

    -Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa isku waafaqay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas'uuliyaddeeda dhinaca amaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa isku waafaqay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas'uuliyaddeeda dhinaca amaanka.

Maraykanka Iyo Midowga Afrika Oo Ka Hadlay Xilliga Soomaaliya Ka Maarmi Karto Ciidammada AMISOM

 

(AFKA)Muqdisho)-Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa isku waafaqay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas’uuliyaddeeda dhinaca amaanka.


Taliyaha ciidanka Mareykanka ee jooga magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka General Thomas Waldhauser, iyo taliyaha ciidanka Mareykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa si wada jir ah u sheegay in ku dhawaaqistii Mareykanka uu dhawaan ku dhawaaqay inuu Soomaaliya u dirayo ilaa iyo 40 askari ayna micnaheedu aheyn isbaddal dhinaca istaraatiijiyada ah. Waxaysa sheegeen in Mareykanka uu ciyaari doono door caawineed oo ah in ay ka taageeri doonaan ciidanka Soomaaliya dhinacyada tababarka.

General Thomas Waldhauser ayaa sheegay in hadafkooda tababaridda ciidanka Soomaaliya uu yahay in la helo ciidan Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay la wareegaan aminga marka la gaadho sanadka 2020-ama 2021-ga markaas oo la filayo in dalka ay ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimada.

Dhinaca kale. Ambassador Francisco Madeira,oo ah madaxa qeybta rayidka ee howlgalka AMISOM, ayaa sheegay in ay bilaabayaan in ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya marka la gaadho sanadka 2018.

Soomaaliya iyo dalalka ay saaxibadda yihiin ayaa hadda ka shaqeynaya sidi ay u tababari lahaayeen ciidamo gaadhaya 28,000 oo askari oo loo diyaarinayo inay la wareegaan amniga dalka.

Ciidamo American ah oo tagay Magaalada Muqdisho

Ciidamo American ah ayaa loo soo daabulay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Ciidanka ayaa gaadhaya tira ahaan daraasiin waxaana tababaro ay siin doonnaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ee dagaalka kula jira Xarakadda Al Shabaab.

Tiro kooban oo ciidamo ah ayaa 2-dii bishan ka degay magaalada Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in tagista ciidankaasi ay codsatay dowladda Somalia.

Ciidamada Mareykanka ee Muqdisho hadda jooga, ayaa noqonaya ciidamadii ugu horeeyay ee Militeriga dowladda Mareykanka ka tirsan ee Soomaaliya soo gaadhay, marka laga soo tago tiro yar oo ah la-taliyayaal dhinaca la dagaalanka argagixisada oo hadhay Soomaaliya u soo gaadhay.

Mareykanka wax ciidan militeri ah kama joogin Soomaaliya tan iyo bishii March ee sanadkii 1994, xiligaas oo ciidamadii Militeriga Mareykanka laga saaray howlgalkii faragelinta UN-ka ee Soomaaliya.

Shan bilood kadib xiligaasi, 18 askari oo American ah ayaa waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho waxaana dilkooda laga sameeyay filimkii caan baxay ee Black Hawk Down.

"Ciidanka dowladda Mareykanka waxaa ay fulin doonaan wadashaqeyn dhinacyo kala duwan ah inta ay Soomaaliya joogaan, si loo caawiyo isbaheysigeena iyo saaxiibadeena”, sidaasi waxaa yidh Afhayeenka U.S. Africa Command Pat Barnes.