Murashax Cabdiraxmaan Ciro Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo Oo Saaka Socdaal Ugu Baxay Berbera Iyo Soo Dhaweyn Loogu Sameeyey Deegaanada Hoos Yimaada.

0
Thursday April 27, 2017 - 10:08:57 in by Burco Office
  • Visits: 568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashax Cabdiraxmaan Ciro Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo Oo Saaka Socdaal Ugu Baxay Berbera Iyo Soo Dhaweyn Loogu Sameeyey Deegaanada Hoos Yimaada.

    Murashax Cabdiraxmaan Ciro Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo Oo Saaka Socdaal Ugu Baxay Berbera Iyo Soo Dhaweyn Loogu Sameeyey Deegaanada Hoos Yimaada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murashax Cabdiraxmaan Ciro Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo Oo Saaka Socdaal Ugu Baxay Berbera Iyo Soo Dhaweyn Loogu Sameeyey Deegaanada Hoos Yimaada.
Murashax Cabdiraxmaan Ciro Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo Oo Saaka Socdaal Ugu Baxay Berbera Iyo Soo Dhaweyn Loogu Sameeyey Deegaanada Hoos Yimaada.2

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Md. Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminaayo, ayaa socdaal uu u jeedkiisu daaran yahay ka qeyb-galka xafladda furitaanka qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland oo 29ka April ka billaabmaysa gobalka Saaxil ugu baxay magaalada Berbera ee xarunta gobalkaasi.

 

Weftigan oo ay guddoomiye Cirro ku wehelinayaan guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, xubno ka mid ah hoggaanada, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano, siyaasiyiin iyo weli ba madax kale oo ka tirsan Xisbigaasi, ayaa la rajeynayaa in ay muddo toddodobaado ah ay ku maqnaadaan gobalkaasi isla mar ahaantaana ay gurmad u fidin doonaan deegaanada ka tirsan gobalkaasi ee ay sida ba’an u saameysay abaartu, waxaana sida oo kale la filayaa in ay kulamo gaar gaar ah ay la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyaga oo iska xaal waraysan doonaan xaaladda dalka iyo weli ba sida oo kale siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen isbedelka uu wado Xisbiga WADDANI.

1234567

Guddoomiye Cirro iyo weftigiisa, ayaa intii ay dhexda sii socdeen waxa si diiran looggu soo dhaweeyey deegaanada hoos yimaada magaalada Berbera, kuwaasi oo ku qaabilay soo dhaweyn aad u diiran.

Dhinaca kale waxa iyaguna hadda magaalada Borama u socdaalay wafti balaadhan oo ka tirsan xisbiga WADDANI oo u hoggaaminayo hogaamiyaha xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo

madaxa ololaha WADDANI Xamse Khayre kuwaas oo iyaguna dhankooda ka qayb gali doona furitaanka xaflada qaybinta Kaadhadhka Codbixinta oo ka bilaabmaysa gobolka Awdal.

Ugu dambeyn, masuuliyiintan Xisbiga WADDANI ayaa si weyn uga qeyb-qaadan doona wacyi-gelinta qaadashada kaadhka codbixiyeyaasha Doorashada Madaxtooyada Somaliland




Image may contain: one or more people, people standing, sky, outdoor and nature

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing, beard, tree and outdoor


2