Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Kulan La Qaatay Shirgudoonka Baarlamaanka Iyo Guddiyada Difaaca Iyo Amniga Ee Golaha Shacabka

0
Friday April 28, 2017 - 14:44:37 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Kulan La Qaatay Shirgudoonka Baarlamaanka Iyo Guddiyada Difaaca Iyo Amniga Ee Golaha Shacabka

    Muqdisho(AFKA);Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Difaaca iyo Ammaanka ee Golaha Shacabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada Difaaca iyo Ammaanka ee Golaha Shacabka.

Xasan Cali Khayre, ayaa Guddoonka iyo Guddiyada Barlamaanka u sharaxay qorsho ku aadan dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya .Kulanka masuuliyiinta ay wada qaateen ayaa ahaa mid su’aallo weydiin ah.

Guddiga difaaca ee golaha shacabka iyo xildhibaanno kale oo isla golahaasi ka tirsan ayaa mooshin dhawaan ka keenay shirkii madaxda qaranka iyo maamul gobolleedyada ee ee looga hadlayey amniga iyo siyaasadda.

Guddiga ayaa sheegay in "Qaabaynta Amniga Qaranka” gaar ahaan



qeybta la xiriirta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu khilaafsan yahay dastuurka Soomaaliya, gaar ahaan qodobo gaar ah.

 

Dhinaca kale, La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xusseen Macalin Maxamuud, ayaa sheegay in fasiraad aan sax aheyn ama qaldan laga bixiyay sida uu hadalka u dhigay qorshaha dowladda ee dhismaha ciidamada Qaranka.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adeygay difaaca dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ayna intooda badan ay muddo ka badan 10 sano heegan joogta ah ugu jiraan furumaha dagaalka.