Ciidamada Daacadda U Ah Madaxweynaha Suuriya Oo Lagu Eedeeyey Adeegsiga Weeraro Kiimiko Ah.

0
Tuesday May 02, 2017 - 09:05:27 in by Burco Office
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Daacadda U Ah Madaxweynaha Suuriya Oo Lagu Eedeeyey Adeegsiga Weeraro Kiimiko Ah.

    Ciidamada Daacadda U Ah Madaxweynaha Suuriya Oo Lagu Eedeeyey Adeegsiga Weeraro Kiimiko Ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Daacadda U Ah Madaxweynaha Suuriya Oo Lagu Eedeeyey Adeegsiga Weeraro Kiimiko Ah.

-Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay Ciidamada Dowlada Syria inay afar jeer adeegsadeen hub kiimika ah dhowrki bilood ee lasoo dhaafay.


Weeraradaasi ayaa waxaa ku jiray kii magaalada Khan Sheikoun ee gobolka Idlib ka dhacay afarti bishii April. Waxaa ku dhintay 100 ruux.

Warbixin ay hey’addu soo saartay Isniintii ayey ku sheegtay in ciidamada daacadda u ah madaxweyne Bashar al-Assad ay qaadeen weeraro loo adeegsaday hub kiimikal ah bishii December ee 2016 iyo bishi March ee sanadkaan 2017.

Warbixinta Hey’adda HRW ayaa ku boorrisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in si deg deh ah loo meelmariyo qaraar ugu baaqaya dhamaan dhinacyada inay kala shaqeeyaan Hey’ada Caalamiga ah ee baarta adeegsiga hubka kiimikada ka sameysan oo hadda ku howlan arrintan.

Waxa kale oo ay Hey’addu ugu baaqday Qaramada Midoobay in ay cunaqabateyn saarto cid walba oo lagu helo in ay adeegsatay hub kiimiko ah.